Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Man United Oo Garaacday Aston Villa

Jigjiga (Cakaaranews) Sabti 16ka April 2016 Man United ayaa garoonkeeda ku garaacday kooxda Aston Villa oo si rasmi ah uga hadhay Premier Leaque-ga kadib markii ay Man United 1:0 guul ku gaadhay. Da’yarka Rashford ayaa guushan u horseeday Red Devils isla markaana Premier Leaque-ga kaga tuuray kooxda martida ahayd ee Aston Villa oo xili ciyaareedka danbe u laaban doonta heerka labaad.Manchester United ayaan qaybta hore qaban shaqadii laga filayay waxayna Aston Villa u muuqatay koox naftooda wali u usii dagaalami kara balse hadda Red Devils ayaa haddana qaybta hore ahayd kooxda ugu cad cadayd ee goolal laga filan karayay.

 

DAQIIQADII 34 aad Manchester United ayaa gool soo daahay heshay kadib markii uu da’yarka Marcus Rashford uu kooxdiisa u keenay goolka furitaanka isla markaana uu rajadii Aston Villa uu ciida ku rogay.  Kubbad saddex jeer oo kaliya meelo fog layskaga soo tuuray ayaa keentay in goolka United uu ku dhaso, marka hore Rooney ayaa kubbad dheer u tuuray Valencia kaas oo isaguna kubbada u soo karoosay Rashford oo si qurux badan kubabda u dhamaystiray, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Man United hogaanka ciyaarta kula wareegtay iyadoo ciyaartiina ay ku dhamaatay 1-0 gushiina ku raacday man united .