Biya Xidheenkii Hoodaale Oo Si Fiican U Buuxsamay

Hoodaale  (Cakaaranews) Axad  17ka April 2016 Mansha allah waxaa dhamaan degaanka ka da aya raxmada rabi ee guga  iyadoo biya xidheenadii laga fuliyay gooba kala duwan oo degaanka kamid ah ay buux dhaafeen .

Xukuumada ddsi ayaa bilowgii sanadkan 2008 TI qorshaysay in la sameeyo in ka badan 96 biya xidheen oo midkiiba la isticmaali karo in ka badan 3 sano iyadoo waliba loo isticmaalayo beeraha,xoolaha iyo cabitaanba sidii bulshada looga haqib tiri lahaa biya la aanta una noqon lahaayeen xoola dhaqato beeralay.

Sidoo kale biya xidheenka laga dhisay senterka hoodaale ee degmada dhagax buur  ee gobolka jarar ayaa si fiican u buuxsamay iyadoo bulshada ku dhaqan agaasna ay aad ugu shukriyeen raxmada rabi hadaba maareeyaha wakaalada dakhliga degmada dhagaxbuur ahna kusiisima gudoomiyaha degmada dhagaxbuur mudane cabdulaahi yaasiin maxamed oo u waramay warbaahinta degaanka ayaa sheegay in raxmadii guga uu si fiican u buuxiyay biya xidheenkii laga dhisay degmada dhagaxbuur gaar ahaan senterka hoodaale.

Ugu danbayna wuxuu masuulku xusay in biya xidheenkani ay ka faa iidaysan donaan bulsho aad u badan ugana fa iidaysan doonaan dhinacyo badan oo uu ugu horeeyo beeraha.