Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gob-Doolo iyo Shir Kusaabsan Ladagaalanka Kontrobaanka

Wardheer( cakaaranews )axad 12ka june 2016. Shir kusaabsan ladagaalanka kontrobaanka islamarkaana ay si wada jira ah isaga kaashadeen maamulka gobolka doolo iyo ciidamada finansiga oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee bulshada gaar ahaan ganacsatada gobolka doolo ayaa kaqabsoomay xarunta gobolka doolo ee magaalada wardheer.

Hadaba shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay gudoomiyaha gobolka doolo mudane maxamuud cali axmed iyo madaxa federal poliska degmada wardheer  oo sheegay in shirkani ahaa mid wacyi galin ah islamarkaana lagaga wada hadlayay dhibaatooyinka uu kontrobaanku u leeyahay dalka iyo dadkaba. Sidookale waxay masuuliyiintu xuseen in shacabka gaar ahaan ganacsatada iyo dawladuba ay kawada shaqeeyeen ilaalinta kontrobaanka.

Ugu danabayna waxaa iyaguna dhankooda ka hadlay ganacsatadii oo sheegay inay hal meel uga soo wada horjeedsan ilaalinta kotrobaanka.