Jaaliyada DDSI Ee Belgium Oo Gudoomiye Cusub Loo Doortay

Belgium (Cakaaranews) Axad 12ka june 2016. Kulan deg deg ah oo ay yeesheen  gudida fulinta  DDSI ee jaaliyada dalka belgium oo maanta ka dhacay magaalada Gent ayaa gudoomiye kumeel gaadh ah loogu doortay mudane Cabdifataax Maxamed Macalin meesha Gudoomiye kuxigeenka jaaliyadana loo doortay mudane Maxamed Badri kadib markii ay xubnihii Shaqadan horey u hayay ay ka gaabiyeen waajibaadkii loo idmaday

Hadaba gudoomiye cabdifataax iyo kuxigeenkiisa mudane maxamed badri oo ah xubno aad u fir fircoon, aqoonyahano ah, khibrad  dheerna leh ayaa wuxuu gudida fulintu u rajaynayaa inay kasoo bixi doonaan xilka loo doortay iyo inay waliba qorshaha waxqabadka jaaliyada DDSI ee biljam kakeenaan waxqabad la taaban karo oo midha dhala.