Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar ku saabsan Shini-Malabka

Jigjiga(Cakaaranews) arbaco 15ka june 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reermiyiga islamarkaana ku saabsan dhaqashada casriga ah ee shini-malabka oo ay kasoo qaybgaleen 120 xubnood oo isugu jira iskaashatoooyin, DA iyo khabiiro ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee ilyaas hotel.

Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiirka xafiiska xoolaha iyo horumarinta reermiyiga mudane Cabdinuur Colow Axmed oo sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo aqoonta dhaqashada shini-malabka islamarkaana lasiinayo iskaashatooyinka iyo DA yada 6 degmo oo ka kala tirsan gobolada nogob, faafan, jarar iyo siti. Wuxuuna wasiirku kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in ay ahmiyad wayn siiyaan tababarka islamarkaana ay ilaaliyaaan wakhtiga casharka.kadibna kamidho-dhaliyaan casharada ay barteen.

Sikastaba ha ahaatee tababarkan oo socon doona mudo 4 maalmood ah ayaa waxaa kaqaybgalayaasha lagu barayaa casharo laxidhiidha hab-dhaqashada casriga ah.ee shini malabta.