Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkii Sydney Oo Si Heer Sare ah U Qabsoomay

Sydney (Cakaaranews) khamiis 16ka june 2016. Shir si heer sare ah  ay u soo agaasimeen jaaliyada DDSI ee wadanka austarlia ayaa si inaba caadi ahayn ooga qabsoomay dalka Australia ee magaalada Sydney gaar ahaan kasoo horjeedka guriga ubboyga wayn ee maxamed ismaaciil.

shirkan oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar ooy ku wahelinayaan maareeyaha guud ee wakaalada howlaha biyaha mudane subeer cabdi axmed iyo gudoomiyaha jaahliyada DDSI ee waqooyiga America mudane maxamed shugri nuur ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanka austarlia iyo heerka kale duwan ee xubnaha jaaliyada.

hadaba shirkan oo uu furitaankiisii ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa ugu horayn kawarbixiyay waxqabadka iyo qorshayaasha xukuumada deegaanka iyo ta dalkaba isagoo kusoo bandhigay maqal iyo muuqaalba guulaha waawayn ee XDSHSI ka keenay dhinacyada horumarka,nabadgalyada,iyo maamulka suuban.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in shirkani uu maanta ka dhacay kasoo horjeedka guriga ubboyga wayn ee maxamed ismaaciil taasoo ka dhigan in ubbo meel walba oo ay joogto laga dabar gooyay dal iyo dibadba waxaana hubaala in dhamaan shirarkan taariiikhiga ah ee guud aahaan kaqabsoomay wadanka Australia ay yihiin kuwo xidada u saaray beentii, probogaandadii iyo riyadii ay hadhaaga tirada yar ee ubbo ay isku maaweelinayeen.