Waftigii Kumaqnaa Australia Oo Soo Gaadhay Xarunta Dalka

 

Adhisababa ( Cakaaranews ) Isniin, 20ka June 2016. Waftigii kakoobnaa 13ka xubnood ee uu hogaaminayay afhayeenka golaha federeshinka JDFI mudane Yallaw Abate ee ay kamidka ahaayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwaynaha dawlada deegaanka oromiya mudane Mukhtaar Khadiir, madaxwaynaha dawlada deegaanka tigray mudane Abay Woldu, maareeyaha guud ee wakaalada hawlaha biyaha DDSI mudane Subeer Cabdi Axmed iyo gudoomiyaha jaaliyaadka DDSI ee waqooyiga America mudane Maxamed Shukri Nuur ayaa kadib safar dheer oo 18 saacadood ah salaadii subax ee saaka kusoo beegmay xarunta dalka ee adhisababa.

Waftiga ayaa soo gaadhay xarunta dalka xili ay bisha barakaysan ee ramadaan kalabadh tahay iyagoo waldaafinaya guulo waa wayn oo waxku ool ah kadib markii ay hadhaagii tirada yaraa ee ubbo, onog iyo ginbood 7 ee kudhuumaalaysanayay gudaha wadanka Australia ay casharo lama ilaawaan ah halkaa ugu soo dhigeen oo ay kadhacday ‘caaano kadhan’ iyagoo lagu dulqaaday ‘markaan soo duljoogsado ayay jabaqda daysaa’ islamarkaana ay si habsami ah oo qurux badan ugu soo dhamaadeen aqoon iswaydaarsigii dawlada federalka ah ee Australia iyo dhamaanba shirarkii ay layeesheen jaaliyaadka dalkeena itoobiya kasoo jeeda ee wadankaasi kunool.

Waxaana xusid mudan in waftigu uu ka ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa maalin kahor inta aysan ramadaan bilanin.