Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan lagu gudoonsiinayay shaqaalaha xafiiska maxakamada guud boondhiga abay.

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco 22ka june 2016. kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta tababarada haayadaha cadaalada ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha maxkamada guud ee DDSI mudane Cabdulaahi Ugaas Maxamuud ,gudoomiye kuxgeenka maxkamada guud mudane Axmed Maxamed Shugri  iyo dhamaan shaqaalaha maxkamada guud ee DDSI.

Hadaba kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii shaqaalaha loo gudoonsiin lahaa shahaadada ka qayb qaadashada biya xidheenka wabiga abay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha maxkamada guud mudane cabdulaahi ugaas maxamuud oo sheegay ahmiyada uu lee yahay biya xdheenka wabiga abay  isagoo intaa ku daray in ay fa iidada boondhiga heli doonaan cadayna utahay wadaniyadiina.

Ugu danbayna waxaa shahaadooyinka la gudoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha iyagoo sheegay  dareenkooda far xadeed iyagoo xusay inay aad oogu faraxsanyihiin ka qayb qaadashada biyaxidheenka wabiga abay.