Baafin HCTV

Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis, 23ka June 2016. Waxaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ilaa hada aad la isu waydiinayaa telefishinkii Horn Cable la odhan jiray oo hawada kabaxay iyo mulkiilihii telefishinka oo lala’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay iyadoo bulshadu maalmahanba baafinaysa telefishinkaas.

Hadaba su’aashan oo aad loogu mashquulay ayaa markaad dhagaysato guuxa dadka dhexdiisa ah waxay  kaga jawaabayaan in mulkiilaha telefishinku uu awoodi waayay in uu iskabixiyo airtimekii ama kiradii hawada oo uu kusifoobay waxa loo yaqaano hand to mouth isaga oo ay udheerayd dayn lagu lahaa iyo waliba mushaarkii shaqaalaha TVga oo uu iskabixin waayay bishii udanbaysay kadib markuu yidhi ‘‘ani la igama dara’’meeshadadka qaarna ay kashakisan yihiin in mulkiiluhu uu kujiray dad labaatan ahaa oo doonni kulaqalibantay badda meditereanka iyagoo tahriibaya iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee, mulkiilaha iyo TVgiisii oo wada socda ayaa looga shakisan yahay inaysan hawada kali ah kamaqnayn balse lala’yahay meel ay caalamka kajoogaan. Hadaba, waxaan halkan kabaafinaynaa cidii aragta ama war iyo wacaal kahaysa ama kahesha inay lasocodsiiyaan bulshada remoteka uhaysata raadintiisa.