Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Ku Saabsan Qiimaynta iyo darajo Siinta Shaqada Oo ka Furmay jigjiga.

Jigjiga(cakaaranews) Arbaca 10ka August, 2016 Tababar uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ujeedadiisuna  tahay nidaamka qiimaynta iyo darajo siinta shaqada  DDSI ayaa ka furmay isla hoolka xafiiska.

Tababarkan oo loo qabtay  masuuliyiinta waaxda shaqaalaha ee  xafiisyada heer deegaan ayaa waxa furitaankiisii ka hadashay wasiirka xafiiska adeega  shacabka  iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed  Maxamuud oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedada tababarkan. Waxayna sheegtay in tababarkan lagu sii xoojinayo dhaqan galinta nidaamka qiimaaynta, darajo siinta  iyo abaal marinta  ku saleysan natiijooyinka waxqabadka  fulintiisuna tahay  gaadhida natiijada yoolka. Waxayna ku boorisay masuuliyiinta ka socday xafiisyada heer deegan in ay fahan buuxa ka qaataan  cashirada ay ku qaadanayaan tababar si ay uga dhaqan qaliyaan xafiisyad ay ka socdaan.

 

Tababarkan oo ay cashiro ka bixinayaan khabiiro ka tirsan xafiiska adeega  shacabka iyo horumarta cududa shaqaalaha DDSI oo muda 3 sano ah nidaamka qiimaynta iyo darajo siinta ku diyaarinayay wasaarada adeega shacabka  ayaa waxa uu socon doonaa mudo 6 maalmood. gabagabada tababarkan  waxaa la filayaan in ay ka soo baxaan go’aano sii  xoojinaya Taabo galinta kobaca dhaqaalaha iyo hirgalinta maamulka suuban si loo hanto horumar bulsho oo joogtaysan.