Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

MW CMC Iyo Xubno Kasocday IGAD

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 10ka August 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa subaxnimadii hore ee saaka xafiiskiisa kulan kulayeeshay xubno kasocday ururka IGAD.

Hadaba xubnahan oo ay kamid ahaayeen Dr. Cabdi Maxamuud Fidaar(Gurey) oo ah consultantga ururka IGAD, ambassador Maxamed Cali Nuur oo ah safiirka soomaaliya ufadhiya itoobiya iyo mudane Cabdulaahi Maxamed Warfaa-kuxigeenka arimaha safaarada soomaaliya uqaabishan itoobiya ayaa waxay madaxwaynaha wax kawaydiiyeen siduu deegaanku kugaadhay isbadalkan laxaadka leh mudo gaaban gudiheed iyagoo kadibna kawadatashaday nidaamka soo dhawaynta madaxwaynaha soomaaliya.

Jawaab buuxda oo uu madaxwaynuhu kasiiyay su’aashaas kadibna waxaa laga wada hadlay qorshaha soo dhawaynta madaxwaynaha soomaaliya oo gudigii loo xilsaaray ay horayba usii dhamaystireen.