Kulan Wadatashi ah Oo Lagaga Hadlayay Wakaalada Shaqo Abuurka Iyo Damaanad Qaadka Cuntada MM jigjiga oo ka dhacay jigjiga.

Jigjiga(cakaaranews) Arbaca, 17ka August, 2016 Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee caasimada jigjiga  kulan balaadhan oo lagaga tashanayay hirgalinta shaqooyinka ay fulinayso wakaaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada maamulka magaalada jigjiga.

Kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta mm  jigjiga,masuuliyiinta iyo shaqaalah wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada MM jijiga, masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDSI, masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI, masuuliyiin ka socday wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada JDFI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan  maamulka magaalada jigjiga.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay maayir mm jigjiga mudane Axmed Maxamed  oo ka warbixiyya dadaalada badan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto  cidhibtirka saboolnimada, shaqo la aanta iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee laga wado dalkeena guud ahaan iyo deegaankeena.  Wuxuuna  maayirku bulshada sharax dheer ka siiyay  ujeedooyinka iyo ahmiyada loo aas aasay wakaaladan iyo wax qabadkeeda . sidoo kale waxa uu tilmaamay maayirku in ay wakaaladani hadda ka bilaabayso qaarka mid ah xaafadaha maamulka magaalada jijiga abuuritaanka ilaha shaqada looga faa’iidaynayo bulshada danyarta ah , kulankana uu yahay mid fahan balaadhan laga siinayo bulshada qaybaheeda  geedi socodka shaqo ee wakaalada shaqo abuurika iyo damaanad qaadka cuntada si ay dhankooda uga qayb-qaataan.

Masuuliyiinta ka socoday wasaarad shaqada iyo arimaha bulshada JDFI iyo wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada JFDI ayaa soo bandhigay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha guud ee wakaaladan. waxayna sheegeen in ay ka mid tahay tiirarka lagu tir tirayo saboolnimada.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha MM jigjiga ayaa soo dhaweeyay wakaaladan shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada waxayna ugu mahad celiyeen xukuumada u hirgalisay wakaaladan waxayna sheegeen in ay ka faa’iidaysanayaan fursadaha ay fidinayso wakaaladu.