Tuulada Xaaji Saalax Oo Uu Kulan Wacyigalin ah Kaqabsoomay

Gaashaamo(Cakaaranews) Khamiis, 18ka August 2016. Waxaa tuulada xaaji saalax ee degmada Gaashaamo kaqabsoomay kulan balaadhan oo wacyigalin ah oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha Kaladuwan ee bulshada sida masuuliyiinta degmada,  suldaamo, ugaasyo, caaqilo, culimo-awdiin, dhalinyaro,  hoyooyin iyo  shaqaalaha xafiisyada degmada.

Hadaba kulankan wacyigalinta ah oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha degmada gaashaamo mudane Yuusuf Xasan Cali iyo suldaan Maxamed Xirsi Qani ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa Hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana loola dagaalami lahaa arimaha Kontarabaanka sharci darada ah iyo waliba argagixisaad khal-khalgalinaysa nabada iyo horumarka Deegaanka gaar ahaan xuduuda degmada gaashaamo.

Waxaana si midaysan la isula qaatay in hal meel ah looga soo wada jeedsado ladagaalanka fikirada Cidhiidhyan, aragti xumida, Kaganacsiga kontarabaanka iyo wax alaale iyo wixii dhibaataynaya Bulshawaynta deegaanka.