Diwaangalinta Ardayda Soo Qalinjabisay ee Shaqo la’aanta ah Oo La Bilaabayy

Jigjiga(cakaaranews) Jimce, 19ka August 2016. Wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar ayaa si rasmi ah qabaleeyada maamulka magaalada jigjiga uga bilawday diwaangalinta ardayda u dhalatay deegaanka islamarkaana kasooqalinjabisay kuliyadaha iyo jaamacadaha deegaanka iyo dalkaba ee aan wali shaqo bilaabin.

Hadaba, Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Shirkadaha Yaryar mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaabeen diwaangalinta ardayda kasoo qalinjabisay kuliyadaha xirfadaha iyo farsamada gacanta iyo waliba sidoo kale, ardayda kasoo qalinjabisay jaamacadaha dalka ee shaqo la’aanta ah Wuxuuna intaa kudaray maareeyuhu in ardaydan larabo in siyaabo kaladuwan loogu sameeyo shaqo abuur Iyadoo marka diwaangalintu dhamaatana lasiin doono tababaro islamarkaana  laisuguxidhi doono koox koox oo intii isku  xirfad baratayba iskaashatooyin iyo shirkado laga dhigi doono. Kadibna. Lacago daymo ah lasiindoono.

Sidookale maareeyaha oo hadlkiisii siiwata ayaa tilmaamay in dhalinyarta xirfadaha kaladuwan baratay larabo in ay sameeyaan hal abuur iyo waxsoosaar islamarkaana xukuumada iyo wakaaladuba ay ulataagantahay hiil iyo hooba.

Maraayaha ayaana hadalkiisii kusoo gunaanaday in nidaamkan shaqo abuurka loogu samynayo ardayda baratay xirfadaha iyo frsamada gacanta ay tahay wadada kali ah ee deegaanku waxsoosaar balaadhan uu ku yeelanayo lagagana gudbayo saboolnimada islamarkaana lagaga mid noqonayo wadamada dhaqaalahoodu dhaxdhaxaadka yahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ardayda kaqalinjabisay kuliyadaha xirfadaha iyo farsamada gacanta ee shaqo la’aanta ah islamarkaana baratay xirfadaha kaladuwan ee kala ah Electric, Furniture’s, mechanicals, ICT, iyo waliba xirfadaha kale ee heer degree ee kasoo qalinjabiyay jaamacadaha dalka ay iskadiwaangaliyaan qabaleeyada Maamulka magaalada jigjiga oo ay diwaangalintu kasocoto.