Deridhaba(cakaaranews) Sabti, 20ka August, 2016. Waxaa xalay ka dhacay magaalada deridhaba xaflad casho sharaf ah oo uu soo diyaariyay xafiiska XDSHSI laantiisa deridhaba taasi oo loo qabtay ardayda DDSI ee ka soo qalin jabisay jaamacada Reftifali ee magaalada deridhaba.
Xafladan casho sharafta ah oo ahayd mid si meeqaam sare ah loo soo diyaariyay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxa xafiiska XDSHSI laantisa Deridhaba mubane Suubane Cabdi Axmed, hogaanka nabadgalyada ismaamulka magaalada deridhaba mudane Maxamed Axmed iyo ardayda DDSI iyo kuwa ismaamulka magaalada Deridhaba ee ka soo jeeda DDSI ee ka soo qalin-jabiyay sanadkan jaamacada Reftifali ee magaalada deridhaba.
Waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladaasi casho sharafta ah, madaxa xafiiska XDSHSI laantisa Diredhaba Mubane Suubane Cabdi Axmed oo sheegay in xafladani tahay mid ay ku casuumeen dhalinyarada ka DDSI ee ka soo qalin jabisay sanadkan jaamacada Reftifaali. Wuxuuna masuulku si qoto dheer uga warbixiyay jihooyinka horumarineed ee u dajisan XDSHSI isaga oo u sheegay dhalinyaradan soo qalinjabisay ay ku soo beegmeen xili uu DDSI ka hirgalay horumar xawli ah, ardaydana tahay cududii aqooneed ee sii xoojin lahayd hirgalinta qorshayaash u dajisan XDSHSI iyo xukuumada.
Dhankiisa hogaanka nabadgalyada ismaamulka magaalada deridhaba mudane maxamed axmed ayaa ka warbixiyay guulaha horumarineed ee uu soo hoogay XDSHSI. Wuxuuna ku booriyay ardaydani in aqoontii ay barteen noqoto mid ka qayb-qaadata dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimada loogana mid noqon lahaa wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.
Dhankooda qaarka mid ah ardaydan soo qalin jabisay ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta XDSHSI ee ku casuumay xafladan casho sharafta ah waxayna sheegeen in ay qoonta ay barteen kaga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka ee ka socda DDSI.