Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

MW CMC Oo Kadagay B.I.A

Adhisababa(Cakaaranews) Axad, 21ka August 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa saaka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee addisababa isagoo wakhti xaadirkan kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Addisababa Bole International Airport.

Hadaba ujeedada socdaalkan madaxwaynaha ayaa ah inuu kaqaybgali doono shirka golaha dhexe ee EPRDF oo lagu qiimaynayo waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay iyo xaalada guud ee dalka isagoo uu kalaqaybgali doono afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq.