Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Maaliyada iyo H.DH DDSI Oo Agabka Shaqada Ku Wareejiyay Degmooyinka iyo Maamulada Magaalooyinka Cusub.

Jigjiga(cakaaranews) Arbaca, 7da, September, 2016. Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi  Maxamed ayaa maanta gudoonsiiyay madaxda xafiisyada maaliyadaaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee 25ka degmo iyo 2 maamul magaalo ee dhawaan lagu daray degmooyinkii iyo maamul magaalooyinkii hore agabka shaqada xafiisyada.

Wasiirka  oo markii uu ku  wareejiyay agabkan la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa  ka warbixiyay waxa uu ka kooban yahay agabkani iyo ahmiyada ay  leeyihiin. Wasiirka ayaa sheegay in qalabkan uu xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI   ku wareejiyay degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka  cusub kala yihiin  laptops, high quality printer oo leh photo copy, scanner iyo fax, regulators, UPS, external hard disk iyo documents kale oo ah diwaanada iyo qalabka sahlaya  nidaamyada shaqada maamulka maaliyadeed ( PFM) kuwaasi oo  ah qalab  casriya. Wasiirka ayaa kula dar daarmay madax xafiiseedyadan in ay xilka iyo waajibaadka saaran u gudoon si karti, anshax iyo aqooni ku dheehan tahay islamarkana  ilaaliyaana awaamiirta iyo shuruucaha maaliyadeed wuxuuna tilmaamay in horumar waara oo joogtaysan lagu gaadhi karo oo kaliya xoojinta iyo adkaynta  nidaamka  maaliyada.

Dhankooda masuuliyiinta lagu wareejiyay agabkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in xilka iyo waajibaadkan  loo igmaday  uga soo baxayaan sidii loogu dalagalay.