Qabridahar(cakaaranews) talaado, 13ka September, 2016. Waxaa ka dhacay madasha shirarka ee maamulka magaalada qabridahar kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu tahay sidii dhalinyarada looga wacyigalin lahaa fikirada xun xun ee ay ka midka tahay ma shaqaystenimada.
Kulankaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka qoraxay oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka mudane Yuusuf Aadan Yuusuf, masuuliyiinta M.M qabridahar, iyo Ururada dhalinyarada mm qabridahar.
Kulankaasi waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay Gudoomiyaha Qobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo si qoto dheer uga warbixiyay fikirada ma shaqaynte nimada iyo fursadaha shaqo abuurka ah ee ka jira deegaanka. Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in ay xukuumada DDSI xooga saartay shaqo abuurka dhalinyarada iyo hirgalinta xidhmaha horumarinta dhalinyarada DDSI. wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay dhalinyaradan in ay ka faa’iidaystaan fursahada ku salaysan shaqa abuurka ay hirgalisay xukuumada DDSI islamarkaana noqdaana xoog horumarineed oo garab taagan xukuumda DDSI.
Masuuliyiintii kale ee ka hadashay kulankaasi ayaa dhamaantood sharax dheer ka bixiyay fikirada mashaqayste nimada iyo shaxaadka waxayna sheegeen in ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta bulshada loona baahan yahay in ay dhalinyaradu sii xoojiyaan doorka ay ku leeyihiin hirgalinta hawlaha horumarka nabadglayada iyo maamulka suuban.
Ugu danbayntii waxaa laysla qaatay in meel looga soo wad jeedsado fikirada xun xun ee ay ugu horayso mashaqayste nimadu islamarkaana ay dhalinyaradu noqdaan xooga fulinaya qorshayaasha horumarka ee lagu tir tirayo saboolnimada.