Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Abaalmarin Gudoonsiiyay Qaarka Mid Ah Ardaydii dhibcaha Sare keentay

Jigjiga(cakaaranews),Sabti, 17ka September, 2016. Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa xafiiskiisa abaalmarin ku gudoon siiyay 3 hablood oo ka mid ah ardaydii hablaha ugu dhincaha sareeyay  sanad dugsiyeedka 2008TI, dugsiyada sare ee deegaanka

Madaxwayne ku xigeenka DDSI  ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir oo ka dib markii uu abaalmarinta gudoonsiiyay ardayda la hadlay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in markii dhawaan la soo gabagabeeyay shirwaynihii 7aad waxbarashada DDSI  ee lagu qiimeeyay geedi socodka waxbarashada sanad dugsiyeedkii 2008TI uu xafiiska abaalmarin gudoon siiyay ardaydii ugu dhibcaha saraysay deegaanka fasalada 12aadka iyo 10aadka. Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in ay 3da hablood ee maanta la gudoonsiiyay abaalmarintu qayb ka yihiin hablihii hore loo  gudoonsiiyay abaalmarinta, kaaliin 3da hablood oo ka socday degmada mooyaale ee  gobolka daawa ay wakhtigaasi ka soo gaadhiwaayeen sidaasi darteedna maanta markii ay yimaadeen la gudoonsiiyay abaalmarintii xafiisku ugu talagalay. Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in abaalmarintan tahay mid lagu dhiiragalinayo ardayda deegaanka.

Dhankooda ardaydan  abaalmarinta la gudoonsiiyay ee ka socday dugsiga sare ee degmada mooyaale ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin abaalmarintan uu xafiiska waxbarashada DDSI gudoonsiiyay waxayna sheegeen in ay dadaalkooda waxbarasha sii xoojinayaan. Abaalmarintan la siiyay ardayda  ayaa waxay ahayd  laabtoobyo nooca ugu casrisan ah kuwaasi oo u sahli doona ardaydan  waxbarashadooda maadaamo oo ay sanadkan jaamacada galayaan.