Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirwaynihii Waxbarashada M.M Jigjiga Ee 2009 TI

Jigjiga ( Cakaaranews ) Sabti 17ka September 2016.  Kulanwayniha waxbarashada maamulka magaalada oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa M.M jigjiga oo uu ugu horeeyo mayarka M.M jigjiga mudane axmed maxamuud axmed,madaxa arimaha xisbiga m.m  jigjiga,mudane cabdulaahi maxamed faarax,madaxa arimaha siyaasada,mudane cabdi gaani,shaqaalaha xafiiska waxbarashada m.m jigjiga,waalidiinta ,hogaaminta qabaleeyada m m,iyo marti sharaf kale ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta.

Hadaba kulan waynahan waxbarashada M.M jigjiga ayaa waxaa ugu horyn ka hadlay mayarka  m.m jigjiga  mudane axmed maxamuud axmed oo sheegay in kulankan yahay sii xoojinta iyo abaabulka waxbarasho ee sanad dugsiyeedka 2009TI. Iyo waliba in la diwaan galiyo caruurta  maadaamo la joogo wakhtigii diwaangalinta sanad dugsiyeedka 2009TI. Wuxuuna mayarku intaa ku daray inay waalidiintu ku dadaalaan inay caruurta ku dhiiriyaan waxbarashada maadaama waxbarashadu tahay furaha nolasha ee qofku kugu anfici karo isna isku anficikaro, Tahayna mida kali ah ee lagaga bixi karo cadowgeena koobaad oo ah saboolnimadka .

Dhanka kale waxaa iyana kulanka ka hadlay qaar ka mid ah waalidiinta oo sheegay inay diyaar u yihiin sidii ubudka wax loobari lahaa iyo waliba sidii looga dhigi lahaa arday tayo leh oo cidwalba anfaca,Waxayna intaa ku dareen inay kasoo bixi doonaan kaalintooda waalidnimo ee kaga aadan dhanka waxbarashada.