MW CMC Oo Kulan Laqaatay Mas’uuliyiinta Jaamacada Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 18ka September 2016. Madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiyaha boardga jaamacada jigjiga mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kulan kulayeeshay mas’uuliyiinta jaamacada jigjiga.

Hadaba madaxwaynaha ayaa kulankan kubooriyay mas’uuliyiinta jaamacada inay dar-dargaliyaan shaqooyinka sanadka cusub ee 2009TI islamarkaana uga warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo waliba sooyaalkii taarikheed ee deegaanku soo maray iyo sida isbadalkan lagu gaadhay wakhti gaaban gudihii. Madaxwayne CMC ayaa intaa kudaray, in jaamacadu ay ku amaanan tahay daraasaadyada cilmiyaysan ee ay deegaanka kasamayso. Wuxuuna kuladar-daarmay inay sii laba-jibaaraan fulinta qorshayaasha uyaala islamarkaana ay udiyaargaroobaan tababar lasiin doono.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta jaamacada ayaa balanqaaday inay si xoogan udar-dargalinayaan shaqooyinka sanadka cusub islamarkaana ay sii wadi doonaan daraasaadyada kaladuwan ee ay kasameeyaan deegaanka iyagoo diyaarna unoqonaya kaqaybqaadashada tababarada dal, dibad iyo deegaanba.