Abaabulka Waxbarashada Oo Ka Qabsoomay Degmada Ayshica

Ayshici ( Cakaaranews ) Axad 18ka September 2016. Kulanwaynaha abaabulak waxbarashada oo ay kasoo qaybgaleen kabaneega degmada ,macalimiinta, Waalidiinta,odayaasha ,iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa ka qabsoomay degmada ayshica ee gobolka sitti.

Hadaba kulan waynahan lagu abaabulayo diwaangalinta sanad dusiyeedka 2009TI ee caruurta gaadhay dada waxbarasho sidii loo keeni lahaa goobaha diwaangalinta waxbarashada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay kusimaha gudoomiya degmada ayshica mudane Miisaan Jaamac Dugsiiye oo sheegtay in waalid walba uu keeno caruurta goobaha waxbarashada ee diwaan galintu kasocoto,madaama waxbarashadu tahay  furaha nolasha ee ilma kaste isku anfici karo waxna ku anfici karo.

Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiinta ka socday xafiiska waxbarashada heer deegaan oo ay ugu horeeyaan mudane cabdiwali axmed yaasiin iyo xildhibaane Ayaan Cumar oo sheegay inay aad muhiim utahay in caruurta la keeno goobaha waxbarashada ee diwaangalintu ka socoto. Waxayna intaa ku dareen inay waxbarashadu tahay mida kali ah ee aan kaga bixi karno cadowgeena koobaad oo ah saboolnimada .

Uga danbayna waxaa kulanka ka hadlay qaar kamid ah waalidiinta oo sheegay inay diyaar u yihiin inay caruurta keenaan goobaha waxbarasho ee diwaan galinta. Iyagoo intaa ku daray in si fiican ooga qayb qaadan doonaan xoojinta waxbarashada kana soo bixi doona kaalintii waalidnimo ee ku aadan dhanka waxbarashada.