Qalaafo Iyo Abaabulka Waxbarashada.

Qalaafo(cakaaranews),Axad, 18ka September, 2016.  Waxaa guud ahaanba deegaanka ka socda shirarka  abaabulka diwaangalinta  waxbarashada sanad dugsiyeedka 2009TI. Waxaana gaadhay degmada qalaafo ee gobolka shabeele kooxda ka socoday heer deegaan ee ka fulinayay abaabulka waxbarashada Gobolka shabeele.

Waxaana ka dhacay barxada wayn ee magaalada qafaalo shirwaynaha 7aad ee ol-olaha  abaabulka waxbarashada sanad dugsiyeedka 2009TI. shirka oo ay hogaaminayeen kooxda heer deegaan iyo masuuliyiinta maamulka degmada qalaafo ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada qalaafo iyo santarada hoos yimaada degmada qalaafo.

Masuuliyiinta maamulka degmada qalaafo iyo kooxda heer deegaan ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay waxbarashada. Waxayna u sheegeen bulshada in ay keenaa dhamaanba caruurta gaadhay da’da waxbarashad goobaha waxbarashada ardaydii horena ku soo celiyaan fasalada ay u gudbeen. Waxaa kale oo ay bulshada ku booriyeen in ay ka faa’iidaystaan waxbarashada dadka waawayn.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku Dhaqan degmada qalaafo  ayaa sheegay in ay ka qayb-qadanayaan diyaarna u yihiin sidii loo keenilahaa  caruurtooda gaadhay dada waxbarashad goobaha waxbarashada kuwii hore ugu jirayna loo keenilahaa fasalada ay u gudbeen

 

Dhanka kale kooxda ka isku dhafka ah ee ka socoda heer deegaan ayaa shabakada wararka ee cakaaranews u sheegay in ay shirarka abaabulka diwaangalinta waxbarashada ka soo qaybteen degmada goday iyo maamulka magaalada goday. Waxayna tilmaameen intii  ay shirarkaasi ku jireen in ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen xubnihii hormuudka noqday dhinaca waxbarashada sanad dugsiyeedka 2008TI.