Degmada Hadhagaala Iyo Abaabulkii Waxbarashada

Hadhagaala (Cakaaranews)Isniin19ka September 2016.  Abaabulka waxbarashada oo ah mid sanadwalba deegaanka bisha nahase iyo maskaram laga fuliyo dhamaan gobolada DDSI ayaa sidookale sanadkana ay siwayn uga socotaa abaabulka waxbarashada iyadoo degmada Hadhagaale ee Gobolka Siti ay si heersare ah uga socoto.

Hadaba, mudane Nuur Cabdi Haajir oo ah khabiir katirsan Xafiiska Waxbarashada DDSI kana mid ah kooxda abaabulka waxbarashada kawada Gobolka Siti oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in si heersare ah ay u wadaan abaabulkii waxbarashada oo ujeedadiisu tahay in caruurta gaadhay dada waxbarashada lageeyo dugsiyada waxbarashada. Wuxuuna  xusay in kooxdu ay yihiin koox iskudhaf ah oo ka kooban khabiiro iyo xildhibaano islamarkaana ay abaabulka kawadaan dhamaan tuulooyinka hoosyimaada degmooyinka gobolka siti. Wuxuuna carabka ku dhuftay in ay qabteen shirarbadan oo lagaqaygalay waalidiinta iyo caruurta labadaba islamarkaana lagagawadahadlay faaiidooyinka waxbarashada iyo in ay lagama maarmaantahay in caruurta dada waxbarashada gaadhay la geeyo dugsiyada waxbarashada. Si loo tirtiro jahliga islamarkaana loo hirgaliyo yoolka iyo himilooyinka uyaala xafiiska waxbarashada DDSI.

Ugudanbayna khabiirka ayaa tilmaamay in ilaa iyo hada aysan kooxdu lakulmin wax caqabad ah islamarkaana ay sifiican ugu socoto hawlihii abaabulka waxbarashada ee gobolka siti.