Shirkii Golaha Dhexe Ee XDSHSI Oo Lagu Amaanay Jaaliyadaha DDSI

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 19ka September 2016. Shirkii golaha dhexe ee XDSHSI oo galay maalintii labaad oo ay hogaaminayeen afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu amaanay jaaliyadaha DDSI ee kunool wadamada qurbaha ah gaar ahaan kuwa kadhiidhiyay cadawga nabad iyo nolol-diidka ah ee raba inay dalka dib ugu soo celiyaan heeryadii gumaysiga islamarkaana diidan nidaamka federalismka ah iyo dastuurkaba.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo utahniyadaynaya jaaliyadaha DDSI ee ficil ahaan iyo codkoodaba kumuujiyay taageerada balaadhan ee ay uhayaan shacabwaynaha dalkooda khaasatan deegaankooda iyo jaaliyadaha is abaabulayaba iyagoo jecel nidaamka federalismka ah ee uu Xisbiga EPRDF hormuudka uyahay ee kudhisan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada ayaa sheegay in talaabada ay qaadeen jaaliyaduhu ay katurjumayso wadaniyada iyo jacaylka ay uqabaan dalkooda islamarkaana ay tilmaamayso geesinimada iyo kartida shacabka deegaanka. Taasoo ah mid lagu faano islamarkaana kudayasho mudan. Wuxuuna intaa kudaray in shacabwaynaha deegaanku uu kadharagsan yahay dhibaatadii dhargiga oo uusan marnaba ogolaanaynin in dib loo soo celiyo.

Hadaba shirkan oo soo xidhmi doona galinka danbe ee maalinta bari ah ayaa waxay xubnaha golaha dhexe ee XDSHSI iyo hogaaminta oo iskuduuban amaan, tahniyad iyo bogaadin balaadhan udireen dhamaan jaaliyaadka DDSI gaar ahaan kuwii muujiyay taageeradooda iyo kuwa abaabulka kujiraba iyagoo kubooriyay inay taageeradooda iyo wadaniyada dalkooda ay halkaa kasii wadaan.