Ogaysiis Jaaliyada DDSI Ee Wadamada Scandinavian

Copenhagen,(cakaaranews),Arbaca, 21ka September, 2016.  waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada DDSI ee wadamada  Scandinavian in ay ka soo qaybgalaan banaan bax balaadhan oo lagaga  soo horjeedo  Ururada argagixisada  ee  dhibaatooyinka  kawada dalkeenan itoobiya.

Haddaba banaanbaxan ayaa ka dhacaya dalka Denmark  magaalada Copenhagen gaar ahaan  Goobta Rådhusplads center  maalinta Sabtida taariikhtu tahay  24ka Septembet, 2016 saacaduna tahay 17:00 PM haddaba waxay hogaaminta jaaliyada DDSI ee wadamada Scandinavian  ka codsanaynaa dhamaanba jaaliayda DDSI ee wadamadaasi  in ay ka soo qaybgalaan baxaan baxan balaadhan ee loogaga soo horjeeda dhibaatooyinka ay dalkeena itoobiya ka wadaan kooxda ama shaqsiyaadka nafla caaridka ah ee ay ka mid yihiin ONAG, GINBOOD 7 iyo wixii la halmaala ee aaminsan aragtida dherginimada ah ee doonaya in ay wadankeena itoobiya dib ugu celiyaan nidaamkii maamulkii dhergiga islamarkaana tir-tiraan nidaamka federalism iyo wada noolaanshaha qoomiyada iyo shucuubta dalkeena itoobiya

Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh gudiga qaban qaabada banaan baxa oo kala ah sidan:- gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee wadamada Scandinavian mudane Cabdicasiis Seeraan.

Wakiilka XDSHSI  ee Scandinavian  mudane Kamal Maxamad Xirsi, ‎+50663565.

Gudomiyaha jaliyada  ee wadanka Denmark  Dhuux cabdi cumar, ‎004523437323

Gudomiye ku  xigenka jaliyada DDSI ee wadanka Denmark mudane  Cabdirisaq cabdi cumar. ‎60833283.

Wakiilka qabanqabada  banaan baxa ee jaaliyada Finland  waxaa lagala xidhiidhi  mudane Tarax daahir ibraahin  ‎+358456901466