Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

War Murtiyeed Uu Soo Saaray Golaha Dhexe Ee XDSHSI

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 22ka September 2016. Golaha dhexe ee XDSHSI oo qiimeeyay waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sheegay in xukuumada iyo XDSHSI ay guulo laxaad leh kasoo hoyiyeen dhinacyada horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban gaar ahaan dhinacyada kor uqaadida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo beeraha.

Kadibna golaha ayaa kahadlay xaalada guud ee dalka iyo kacdoonada kajira deegaanada oromada iyo axmaarada. Wuxuuna goluhu sheegay in maamuladii hore ee boqortooyada iyo dhargigu ay ahaayeen kuwo cabudhis iyo cadaadis ba’an kuhayay qawmiyadaha iyo shucuubaha dalka itoobiya oo dafiray xuquuqihii aas-aasiga ahaa ee ay lahaayeen islamarkaana wadanka kumaamuli jiray aragti cidhiidhyan oo ah hal luuqad, hal dhaqan iyo hal diin iyadoo ururka isaba iyo dhargigu cadaadinaya qawmiyadaha kale dhaqamooda, luuqadahooda iyo diimahooda.

Itoobiya markaa waxaa kadhashay cadaadis, cabudhis iyo xaqiraad ba’an oo lagukala kacay dhamaan qawmiyadaha sida qawmiyada tigraay, canfarta, shucuubaha koonfureed, soomaalida, gambeelaha iwm iyagoo dadka soomaalida ah kucaayi jiray dhaqankooda iyo labiskooda meesha qawmiyada oromada ee sharafta lehna ay kucaayi jireen magac aan koodii dhabta ahaa ahayn balse ay iyagu ulabaxeen.

Hase ahaatee, nidaamkii dhargiga, kii haileselase, chauvinismka, timkatanyaaga oo ay kadhexmuuqatay axmaaro tiro-yar ha ahaadeen cidda ay kasoo jeedaan axmaarada islawaynidu madax-martay tusaale ahaan kuwa Washington kaqaylyaya ee aaminsan in itoobiyaanimadu tahay mid iyaga gooni u ah. Kuwaas oo yasi jiray dhamaan jiritaanka qawmiyadaha kale balse dadka axmaarada ah wax wanaag ah oo ay uhayeen majirin. Waxayse aad usii xasuuqeen qawmiyadaha tigraay, canfarta, soomaalida iyo qaar kale.

Waxaana jiray in qawmiyadaha qaarkood ay sheegtaan qawmiyado kale oo aysan udhalanin cabsi darteed. Taas oo ay daliil cad u tahay in lahelay sanadkan 2016 gudihiisa 2 qawmiyadood oo leh luuqad, dhaqan iyo diin ugooni ah islamarkaana uu golaha federationka dalku aqoonsi siiyay.

Hadaba golaha dhexe ee XDSHSI ayaa cadaadiskii dhargiga kuqeexay inuusan jirin wax lagu cabiri karo. Tusaale ahaan deegaanka soomaalidu wuxuu u ahaa xeryo military bas ah.

Kadib markii loo adkaysan waayay dhibaatooyinkaas waxaa bilaabmay halgankii qawmiyadaha iyo shucuubaha dalka oo ay ugu horeeyeen ururkii TPLF. Kaas oo 1968TI ay 11 xubnood oo dhalinyaro hogaaminta TPLF kamid ah ay abuurtay halgankii dhargiga lagu bur-buriyay ee dhalay xisbiga maanta ee EPRDF islamarkaana abuuray in qawmiyadaha itoobiya iyo cid kastaba yar iyo wayn, rag iyo dumar, culimo iyo caamo ay kuwa noolaadaan nabadgelyo, dimoqraadiyad, sinaan, cadaalad iwm. Wuxuuna halgankii hubaysnaa ee TPLF ay bilawday kadibna ANDM kusoo biirtay ayaa dhalay dastuurka maanta lagu cadeeyay xuquuqda shaqsiga iyo ta qawmiyadahaba.

Waxaana xusid mudan in qodobka 39,aad ee dastuurka oo damaanad ka ah islamarkaana dhigaya in qawmiyad kasta ay iskeed isugu maamuli karto afkeeda, dhaqankeeda iyo diinteeda ilaa heer aayo katalin. Taasoo kadhigan in hadii lasoo celiyo nidaamyadii chauvinismka, ginboot7, onag, dhargiga iyo islawaynida ay qawmiyad kasta xaq uleedahay inay aayaheeda katashato.

Su’aashuse waxay tahay, waa maxay sababta kadanbaysa inay ginboot7, onag iyo chauvinismku uga mudaaharaadeen London, Washington, gonder, bahardar iyo sababta ay uweerareen qodobka 39,aad, dastuurka iyo shacabka tigraay.

Sababtu waxay tahay qodobka 39,aad wuxuu leeyahay in qawmiyadaha itoobiya ay dhaqankooda, luuqadooda iyo diintooda ay si xor ah isugu maamuli karaan. Kaasoo damaanad ka ah inaan lasoo celin Karin nidaamyadii chauvinismka, onag, ginboot7 iyo dhargiga iwm oo hadii ay dhacdo ay qawmiyad kasta xaq uleedahay inay aayaheeda katashato. Waxayna umudaaharaadayeen in dastuurka itoobiya labadalo gaar ahaan qodobka 39,aad balse waa arin riyo ah waayo dastuurka dalka itoobiya waa mid ay ansixiyeen qawmiyadaha reer itoobiya oo dhan. Wax laga badali karana majirto habayaraatee.

Dhanka kale, ginboot7, onag, chauvinism, timkatanyaa iyo dhargigu maxay uweerarayaan shacabka tigraay, dastuurka iyo federalismka ama ay ubarakicinayaan ama ay ucaadaysteen nacooda iyo wax kasheegooda? Maxaa kadanbeeya kacdoonadan, maxayse rabaan?

Hadaba, markuu cadaadiskii iyo cabudhiskii dhargigu batay ee ay shucuubta itoobiya u adkaysan wayday, waxaa baxay ururo kalagadisan sida: ururka EPRP(Ethioipian people revolutionary party) oo luuqada axmaarigana loo yaiqiinay IHABA oo kabaxay deegaanka axmaarada iyo ururka EDU oo isladeegaankaas kabaxay. Kuwaas oo hadafkoodu ahaa inay kali ah mengistu xilka kaqaadaan oo ay kursigiisa kufadhiistaan iyagoo aaminsan nidaamkii islawaynida.

Waxaa sidoo kale baxay ururka TPLF oo isagu aaminsanaa nidaam sax ah oo katurjumaya rabitaanka qawmiyadaha bilawgii ilaa maanta. Kaasoo yaqiinsanaa in itoobiya ay tahay wabi ka abuurmay ilo-badan iyo togog oo kadhigan inaan itoobiyaanimada lagu tilmaami Karin luuqad, diin iyo dhaqan kali ah balse uu yahay dal ay wada leeyihiin dad kaladiin, kaladhaqan, kala af  iyo kaladeegaan ah.

Marka ururka TPLF wuxuu siyaasadiisa kucadeeyay saldhigna u ah inuu uhalgamayo siduu dhargiga iyo isaba meesha uga saari lahaa islamarkaana uxaqiijin lahaa jiritaanka qawmiyadaha itoobiya xornimadooda.

Waxaana kahor dhicitaankii dhargiga iskahoryimid  siyaasadii ururka TPLF iyo ururadii Ihaba iyo EDU. Halkaas oo ay TPLF dagaal kuqaaday ururada IHABA iyo EDU maadaama magaca ay wateen iyo fikiradooda ay kamuuqatay islawayni kudhisan axmuqnimo cidhiidhyan. Kadibna, ururka TPLF wuxuu kuguulaystay tir-tirida ururadaas.

Hadaba, TPLF waxay halgan duurka ah kujirtay mudo 17 sano ah oo ay kunafwaayeen in kabadan 70 kun islamarkaana ay kunaafoobeen in kabadan 20 kun oo shacabka tigraay ah. Waxayna dhimashada iyo dhiiga ugaleen inay sugaan jiritaanka xuquuqaha qawmiyadaha dhaqamadooda, diimahooda iyo luuqadahooda.

dhanka kale, ururka TPLF waxay isku-siyaasad noqdeen ururka ANDM oo ah urur deegaanka axmaarada kasoo baxay oo aaminsan in axmaaradu ay kamid tahay qawmiyadaha itoobiya islamarkaana ay qawmiyadaha kale xaq uleeyihiin inay helaan xuquuqahooda.

Hadaba halgankii ay soo wada galeen TPLF iyo ANDM ayaa lagaga takhalusay kaligii taliskii dhargiga taasoo sababtay inay itoobiya kadhalato dawlad federal ah oo uu hogaamiyo xisbiga EPRDF. Marka, maadaama uu ururka TPLF bilawgii kaguulaystay fikiradii ururada chauvinismka sida EDU iyo IHABA kadibna uu bur-buriyay dhargigii isagoo qawmiyadaha maanta gaadhsiiyay horumar aan dib unoqosho lahayn ayaa waxay u abuurtay dadka tigraay cadaawad soo jireen ah. guulahaas ayaana ah sababta uu chauvinismku uneceb yahay dadka tigraay.

Ujeedada kacdoonadan ay samaynayaan ginboot7, onag, chauvinismka iyo dhargigu waa inay nidaamka federalismka ah meesha kasaaraan oo ay soo celiyaan nidaamkii chauvinismka. Si taa ay ugaadhaan waxay aqoonsadeen inuu caqabad kuyahay ururka TPLF iyo hay’adaha nabadgelyada ee heer federal ee bur-buriyay ihaba, EDU, dhargi iyo isaba. Waxayna go’aansadeen inay weeraraan dadka tigraay oo ay handadaan meel kasta oo ay joogaan. Waxaana tusaale u ah 6dii kun ee ay kasoo barakiciyeen gonder.

Hadaba cidkastoo nidaamka federalismka ah iyo itoobiyada cusub jecel waxaa looga baahan yahay inay fahanto qorshaha uu chauvinismku kukalaqaadayo qawmiyadaha itoobiya ee uu kuweerarayo nidaamkeena federalismka ah ee isbadalka maanta inoo horseeday.

Sidaadarteed, guud ahaan qawmiyadaha itoobiya oo ay ugu horayso qawmiyada soomaalida dal iyo dibadba waa inay lahalgamaan fikirada tabaabka, narrow-natonalityga iyo timkatanyaaga.

Waana inay taageerayaasha DDSI meel kasta oo ay joogaan ay social mediaga kuladagaalamaan ginboot7, onag, chauvinism iyo fikirada cidhiidhyan ee lidka ku ah federalismka iyo dastuurka.

Hadaba, XDSHSI wuxuu aaminsan yahay in nidaamka federalismka ah iyo dastuurku yihiin kuwa horumarka lagu gaadhay. Waxaana taa cadayn u ah siduu ula-halgamay ururadii xag-jirka ahaa ee Al-itaxaad, UBBO iyo Al-qushaash islamarkaana uu deegaanka uga nadiifiyay. Wuxuuna fariin udirayaa in chauvinismku ogaado inuu waxyeeleeyay shacabka DDSI islamarkaana uu shacabku yahay mid xusuusan waxyeelooyinkii oo ay kamuuqato diiftii iyo hagardaamooyinkii uu ugaystay oo uu yahay shacab victim ah oo aan marnaba iloobaynin.

Wuxuuna shacabku canbaareeyay islamarkaana kasoo horjeedaa kuwa kamudaaharaaday Washington, London, Gonder iyo Bahardar ee watay calankii dhargiga kuna hadlayay erayadii chauvinismka ee lidiga ku ah nidaamka federalismka ah

Sidoo kale, war-murtiyeedkan uu soo saaray golaha dhexe ee XDSHSI ayuu kutilmaamay in layaso fikirada aadka ucidhiidhyan ee Jawhar Maxamed, onag iyo wixii lahalmaala islamarkaana aan waxba laga soo qaadaynin.

Wuxuuna XDSHSI cadaynayaa in itoobiya ay itoobiya kusii ahaan karto oo kali ah jiritaanka nidaamka federalismka ah iyo dastuurkeena maanta jira ee uu saldhiga uyahay qodobka 39,aad.

Waana inay cid kasta fahanto islamarkaana ixtiraamto dastuurka oo hadii uu meesha kabaxana aysan jiraynin dal itoobiya ladhaho oo dastuurkan kasii kadanbayn doona.

Sidaadarteed, kal-fadhigii golaha dhexe ee XDSHSI wuxuu kucanbaareeyay kacdoonada onag, ginboot7 iyo Chauvinismka. Wuxuuna ku amaanay taageerada ay xukuumada DDSI ufidisay dadkii tigraayga ahaa ee kasoo barakacay deegaanka axmaarada iyo odayaashii geeyay taageerada oo taariikhda baal-dahab ah kagalay.

Sidoo kale, wuxuu golaha dhexe ee XDSHSI baaq uu soo saaray ku amaanay qurbajoogta DDSI ee Minneapolis banaanbixii ay kumuujiyeen sida ay uneceb-yihiin narrow-nationalityga, ginboot7, onag iyo chauvinismka ee ay kutaageereen nidaamka federalismka ee kudhisan xoriyada iyo sinaanta xuquuqaha qawmiyadaha dalka.

Fariin ku-aadan qurbajoogta DDSI meel kasta oo ay caalamka kajoogaan:

Waa inay ilaashadaan nidaamka federalismka ah iyo itoobiyada cusub oo ay gaashaan unoqdaan kuna muujiyaan mudaaharaad balaadhan. Waana inay dhamaan qurbajoogtu muujiyaan nacaybka uqabaan chauvinismka, onag, ginboot7 iyo dhargiga.

Cid kasta oo kasoo jeeda shacabka deegaanka ee aaminsan nidaamka federalismka ah iyo DDSI waxaa waajib ku ah inuu wakhtigiisa uhuro mudaaharaadka muujiyana halgan iyadoo cidii kaqaybgashana ay taariikhdu xusi doonto.

Golaha dhexe ee XDSHSI wuxuu cadaynayaa inuu bogaadinayo kaqaybgalayaasha mudaaharaadka islamarkaana uu u aqoonsanayo halgamayaasha dib ucurashada itoobiyada cusub ee DDSI.

Sidoo kale, golaha dhexe ee XDSHSI wuxuu cadeeyay inuu had iyo jeer garab taagan yahay xisbiga EPRDF. Wuxuuna goluhu raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn ku amaanay bisaylka siyaasadeed iyo horumarka balaadhan ee uu wadanka gaadhsiiyay gaar ahaan:

Ø  Booqashadii madaxwaynaha maraykanka oo ahayd taariikhda abid markii 1,aad ee uu madaxwayne maraykan ah isagoo xilkii haya soo booqdo itoobiya.

Ø  Waxaa kale oo goluhu ku amaanay raisal wasaaraha guusha iyo sharafta uu itoobiya uga soo hoyiyay shirkii golaha amaanka. Kaasoo madaxwayne Obama uu itoobiya ku amaanay.

Ø  In itoobiya ay gasho golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Ø  Inuu dar-dargaliyay dhismaha wabiga abaay.

Ø  Inuu dhamaystiray qorshihii koboca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 1,aad(GTP1) islamarkaana uu sameeyay GTP2 heer sare ah oo ay itoobiya kaga mid noqonayso wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Gabagabadii, golaha dhexe ee XDSHSI wuxuu umahadcelinayaa taageerada aan kalago’a lahayn ee EPRDF ay lagarab taagan tahay XDSHSI. Wuxuuna tacsi tiiraanyo leh udirayaa dadkii kuwaxyeeloobay mudaaharaadadii kadhacay deegaanka axmaarada.