Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maareeye Kuxigeenka Wakaalada Qurbajoogta DDSI Oo Amaanay Qurbajoogta North America

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 22ka September 2016. Maareeye kuxigeenka Wakaalada Xidhiidhka Arimaha  Qurbajoogta DDSI mudane Cabdi khaliif(Dhoonbe) ayaa ku amaanay qurbajoogta waqooyiga america kunool is-xilqaanka banaanbixii ay kumuujiyeen sida ay uga soo horjeedaan ururada nabadiidka ah ee ONAG, GINBOT 7, CHAUVINISMKA iyo wixii lahal-maala islamarkaana ay qurbajoogtu kutaageereen nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalkeena itoobiya.

Maareeye kuxigeenka ayaana bogaadiyay qurbajoogta London iyo kuwa wadamada Scandanivianka ee isu abaaabulaya mudaaharaadyo kadhan ah ururada diidan nidaamka federalismka ah ee dalku kudhisan yahay iyo dastuurkaba.  Wuxuuna kubooriyay jaaliyaadka DDSI ee is abaabulaya inay taariikh dhigaan.