Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Ka Hawlgalaya Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaar Garowga Masiibooyinka DDSI.

Jigjiga,(cakaaranews) sabti, 24ka, September, 2016. Waxaa ka dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee  huteel xamda, tababar loo qabtay 46 xubnood oo ah shaqaale ka hawlgalaya xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI gar ahaan qaybta dabagalka raashinada caawinta ah.

Tababarka oo ay iska kaashadeen xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI  iyo hay’ada cuntada aduunta (WFP) ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska ka horgaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka iyo masuuliyiin ka socday hay’ada WFP.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamad Xasen oo ka warbixiyay ahmiyada uu tababarkan leeyahay wuxuuna sheegay wasiir  in tababarkan qayb ka yahay tababaro la siiyano 180 dhalinyaro oo dhawaan ay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka iyo hay’ada WFP oo iskaashanayaa shaqaalaysiiyeen looguna talagalay sidii ay uga shaqayn layaaheen dagagalka iyo xaqiijinta gaadhsiinta raashinada  deeqaha ah ee loogu talagalay quudinta caruurta  danyarta ah . Wuxuuna sheegay wasiirku in tababarkan maanta loo qabtay shaqaalaha ka hawlgalaya gobolada Faafan iyo Erar kuwa kalana loogu qabanayo gobolada kale ee deegaanka. Wasiirka ayaa ku booriyay tababartayaashan in ay ka faa’iidaystaan cashirada ay ku qaadanayaan  si ay uga midho dhaliyaan shaqooyinka ay qabanayaan.

Waxaa kale oo ka hadlay tababarkan wasiir ku xigeenka xafiisak ka horgtaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane  Xasan Aadan wuxuuna sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo tayada iyo garaadka aqooneed xirfadeed ee lagu dabagalayo xaqiijinta gaadhsiinta raashinada caawinta  ah ee ay bixiyaan xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka iyo hay’ada cuntada aduunka(WFP) .

Ugu danbayntii xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa dar-dargalin xoogan ugu jira sidii uu uga midho dhalin lahaa  hadafka iyo himilada istaraatajiyadeed ee u dajisan xafiiska iyo sidii loo xoojin lahaa adkayn nidaamka xaqiijinta gaadhiinta raashimada lagu caawinayo dadka danyarta ah.