Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Degmada Marsin iyo Abaabulkii Waxbarashada

Marsin(cakaaranews)Axad 25ka September 2016. Si loo geeyo dugsiyada waxbarashada caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada ayaa koox iskudhaf ah oo kasocota xafiiska waxbarashada DDSI ay Shirar kaladuwan oo ku aadan abaabulka waxbarashada ka qabteen degmada marsin ee Gobolka Qoraxey.

Hadaba, Cabdulaahi muxumed  cabdi, oo ay waheliyaan  cabdi xasan ibraahim, agaasin katirsan xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane Mustafe isaaq , iyo  xildhibaan aniisa cabdi diiriye oo ah kooxda abaabulka waxbarashada Gobolka qoraxay ayaa kahadlay dareenkooda ku aadan abaabulka waxbarashada ee ay kawadaan Gobolka waxayna sheegeen in hawlihii shaqo ee ku aadana abaabulka waxbarashada ee ahaa in lageeyo dugsiyada waxbarashada caruurta dadoodu gaadhay waxbarashada ay wakhti-xaadirkan si heersare ah uga wadaan degmada  marsin ee gobolka qoraxay. Waxayna tilmaameen si  nabadgalyo ah ay abaabul balaadhan uga soo sameeyeen degmooyinka kala ah dhoobwayn, shilaabo, laas- dhanklayre, higlooleey iyo ceel-ogaadeen.

Sidookale madaxa xafiiska waxabarashada degmada marsin mudane xasan Dhoore ayaa isna dhankiisa ka hadlay oo sheegay in abaabulkii waxbarashada ee dagmada marsin uu meel fiican marayo islamarkaana ay bilaabeen diwaangalintii caruurta  da’doodu gaadhay waxbarshada iyo kuwii horey usiiwatay waxbarashada labadaba.

Sikastaba ha ahaatee kooxda ayaa lafilayaa inay usii anbabaxaan degmada kudunbuur ee Gobolka qoraxay oo iyadna abaabulo noocan ah ay kasamayn doonaan.