Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Lagu Qiimaynayo Waxqabadka Mashruuca RIF Oo Ka Furmay jigjiga.

Jigjiga(cakaaranews),Axad, 25ka September, 2016. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka, huteelka xamda kulan lagu qiimaynayey waxqabadka sanadkii  ugu dambeeyay ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka afka  qalaad  la soo gaabiyo loo yaqaano (RIF) gaar ahaan gobolada Faafan iyo Qoraxay.

Kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa  ka soo qaybgalay  55 xubnood oo kala ah  madaxafiiseed yada caafimaadka degmooyinka, maareeyayaasha xarumaha caafimaadka, khabiirada caafimaadka  ee hooyada iyo dhalaanka ee heer degmo, khabiirada kor meerayaasha shaqaalaha fidinta caafimaadka heer degmo iyo khabiirada abaabulka bulshad mashruuca  RIF ee heer degmo kuwaasi oo ka kala socday degmooyinka hoos yimaada labadaasi gobol ee Faafan iyo qoraxay ee uu kulankani u furmay

Kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay  geedi socodkii fulineed ee qorshihii sanadkii 2008TI. iyada oo laysla eegayo  khibradihii laga helay fulinta qorshahaasi  iyo sidii loo fulin lahaa qorshaha mashruuca RIF ee  sanadkan 2009TI  iyo waliba in khibrad wadaag loo tago degmooyinka hormuudka u noqday fulinta qorshihii sanadkii 2008TI.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay  maareeyaha guud ee mashruuca RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay inuu kulankani muhuum u yahay ka midha dhalinta yoolasha mashruuca si gaar ahaaneed Iyo kan xafiiska caafimaadka DDSI is guud . wuxuuna tilmaamay in kulankani socon doono mudo laba maalmood ah laguna gorfayndoono waxqabadkii 12kii bilood ee ugu danbeeyay iyo waliba sidii  jihooyin midaysan looga qaadan lahaa  fulinta qorshaha sanadka 2009TI.