Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Degmada Mubarak Iyo Shirwaynihii Abaabulka Waxbarashada.

Mubarak,(cakaaranews) Isniin, 26ka, September, 2016. Waxaa ka dhacay magaalada mubarak  ee xarunta degmaa mubarak  ee gobolka daawa shirwaynaha abaabulka iyo diwaangalinta waxbarashada ee  sanad dugsiyeedka 2009TI.

Shirwaynaha abaabulka waxbarashada oo ka  ka dhacay hoolka shirarka   ee magaalada mubarak ayaa waxaa hogaaminayay  qaarka mid ah kaabineega degmada mubarak iyo kooxdii abaabulka waxbarashada heer deegaan ee gobolka daawa   waxaana  ka soo qaybgalay dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada mubaarak   iyo santarada hoos yimaada degmada mubaarak.

Masuuliyiinta maamulka degmada mubarak iyo kooxda heer deegaan ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay waxbarashada. Waxayna u sheegeen bulshada in ay keenaa dhamaanba caruurta gaadhay da’da waxbarashad goobaha waxbarashada ardaydii horena ku soo celiyaan fasalada ay u gudbeen. Waxaa kale oo ay bulshada ku booriyeen in ay ka faa’iidaystaan waxbarashada dadka waawayn.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku Dhaqan degmada mubarak  ayaa sheegay in ay ka qayb-qadanayaan diyaarna u yihiin sidii loo keenilahaa  caruurtooda gaadhay dada waxbarashad goobaha waxbarashada kuwii hore ugu jirayna loo keenilahaa fasalada ay u gudbeen sidoo kalena ka faa’-iidaysanayaan fursadaha waxbarasho dadka waawayn ee aan wakhtiyadii hore helin fursad waxbarasho.