Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar loo furay Macalimiinta Iyo Shaqaalaha Kuliyadaha Deegaanka.

Jigjiga,(cakaaranews) Arbaca, 28ka September, 2016. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga  gaar ahaan hoolka shirarka kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar loo qabtay macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyadaha deegaanka  iyo waliba  dhalinyarada fadareeshinka deegaanka.     

Waxayna tababarkan ujeedadiisu tahay sidii loo  kobcin lahaa awooda tayada macalimiinta, xoojinta iyo dhisida ciidan horumarineed, xoojinta nidaamka TVETka  iyo sidii macalimiinta, shaqaalaha iyo dhalinyarada fadareeshinka DDSI  fahan balaadhan loogu siin lahaa  maraxaladii iyo isbedaladii uu soomaray dalku iyo deegaankuba gaar ahaan xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale dumuqoraadiyadeed, nabadgaliyo iyo maamul wanaagba.

Waxaana furitankii tababarka ka soo qaybgalay madaxwayna ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, wasiirka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Axmed iyo maareeye ku xigeenka wakaalada TVETK JDFI mudane Nuguse Gabre,

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadashay   madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah  marwo Sucaad Axmed Faarax oo sharax dheer ka bixisay  ahmiyada uu tababarku leeyahay iyo istaraatajiyada, yoolasha iyo tiirarka horumarineed ee u dajisan dalka iyo deegaanka iyo nidaamka lagu  fulinayo   gaadhida qorshayaasi dajisan. Waxayna sheegtay madaxwayne in xukuumada DDSI iyo XDSHSI uu ahmiyada gaar ah siiyay sidii loo soo saarilahaa xirfadlayaal taya leh oo la tar-tami kara suuqaqa caalamka. Madaxwayne ku xigeenka ayaa  tilmaan dheer ka bixisay soonyaalka taariikheed ee deegaanka iyo dalka iyo sidii loo sii xoojinlahaa nidaamka faderalimka iyo in laga foojignaado wax kasta oo carqalad galin kara nidaamkaasi fadaralimska iyo dastuurka dalka.

Dhankiisa wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada ((TVET-ka) DDSI  mudane Naasir Axmed  ayaa ka warbixiyay ahmiyada tababarkan leeyahay. Wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan galisay sidii loo xoojin lahaa nidaanka loo yaqaano TVETka  ama soo saarida cudud xirfadeed oo ka qayb-qaadata hirgalinta hawlaha horumarka, wasiirka ayaa sheegay in nidaamka TVETku yahay midka lagu tir tiraya saboolnimada laguna gaadhayo horumar waara oo joogtaysan.  Wuxuuna wasiirku ku booriyay   macalimiinta, shaqaalaha iyo dhalinyaradan  loo furay tababarka in mudada uu  socda tababarku ka qaataan kaalin fir-fircoon si ay natiijada tababarku u noqoto mid waxwayn ka qaadata xawaaraha hirgalinta qorshayaasha horumarka.

Waxaana mudada uu socto tababarkani cashiro ka bixinaya masuliyiin iyo khabiiro uu ka mid yahay Maareeye ku xigeenka wakaalada TVETka JDFI mudane Nuguse Gabre.