Lamaanihii Dhawaan Loo Sameeyay Arooskii Qarniga Oo Lagu Sagootiyay Garaad Wiil waal Airport.

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 29ka, September, 2016. Waxaa maanta si heer sare ah loogu sagootiyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport ee xarunta deegaanka mudane Fadxi Cali Shariif(shariifka) iyo marwo istaahil maxamed khaliif ((princess istaahil) oo dhawaan caasimada deegaanka ee jigjiga loogu sameeyay arooskii lamagac baxay arooska qarniga kaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 2kun oo qof oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar

 

Lamaanahan arooska ah ayaa loo sagootiyay oo u anbabaxay maanta  wadanka Singapore halkaasi oo ay ku soo totoba baxayaan (Honey Moon)  Waxaana  garoonka diyaaradaha ku sagootiyay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI Mudane Mowliid Haayir Xasan iyo Wasiirka horumarinta Jidadka DDSI  Mudane C/raxman Maxamed Xasan, Maareeyaha Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta Mudane Maxamuud Ahmed Nuur (Heeryo), maareeye ku xigeenka  wakaalada xidhiidhka Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir Maxamed , mareeye ku xigeenka kuliyada caafimaadka jigjiga  Mudane Cabdibari macalin maxamed.