Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kalfadhigii 7aad Ee Degmada Awaare Oo Furmay.

Awaare,(cakaaranews), jumce, 30ka, September, 2016. Waxaa ka furmay magaalada Awaare ee xarunta degmada awaare ee gobolka Jarar  kalfadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada degmada Awaare.

Kalfadhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay kaabineega degmada Awaare, xubanaha golaha xildhibaanada degmada Aware iyo marti sharaf kale. Waxaana  furay afhayeenka golaha xildhibaanada degmaa awaare mudane Maxamed Ismaaciil Faarax oo ugu horayntii xaqiijiyay tirada kooramka xildhibaanada oo ay tiradoodu dhantahay 86 xildhibaan wuxuuna sheegay in ay kalfadhigan xaadir tahay 69 sidaasi darteedna uu furan yahay kalfadhigan. Wuxuuna afhayeenku sharax kooban ka bixiyay waxqabadkii sanadka 2008TI ee xafiiska golaha xildhibaanada degmada awaare, ka dibna waxa uu soo bandhigay ajandayaasha kalfadhigan oo ay ka mid yihiin, dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta waxqabadka maamulka degmada Aware ee sanad miisaaniyeedka 2008TI, dhagaysiga iyo  ansaxinta warbixinta waxqabadka maxkamada degmad awaare iyo ansaxinta  miisaaniyada sanadka 2009TI.

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka sanadka 2008TI  ee maamulka degmada awaare oo uu soo jeediyay oo ay soo jeediyeen masuuliyiinta maamulka degmada awaare, warbixintaa oo ahayd mid ku sar go’an  guulaha maamulka degmadu ka soo hoysay guud ahaanba qorshihii u yaalay degmada ee dhinacyada adeegyada horumarinta bulshada sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, nabaglayada iyo maamulka suuban. Ka dib markii uu golaha xildhibaanadu dhagaystay lagana dooday waxa lagu ansaxiyay codbuuxa.  Sidoo kale waxa la dhagaystay lana ansaxiyay miisaaniyada degmada awaare  ee sanad miisaaniyeedka 2009TI. iyo warbixinta waxqabadka maxkamada degmada awaare ee 2008,  taasi oo markii ay golaha xildhibaanadu dhagaysteen kana doodeen ayaa waxay ku ansaxiyeen cod buuxa.

Ugu danbayntii ku simaha gudoomiyaha degmada awaare  ahna gudoomiye ku xigeenka degmada islamarkaana ah hogaanka nabadgalyada degmada awaare mudane Xuseen Cabdilaahi Muxumed (Asaxaabi) ayaa hadalo dar-daaran ah u soo jeediyay xubnaha golaha xildhibaanada degmada awaare wuxuuna sheegay in ay ka maamul ahaan xooga saarayaan sidii miisaaniyadan maanta  la ansaxiyay loogu fulinlahaa   qorshaha loogu talagalay oo kaliya. xubnaha golaha xildhibaanadana degmadana looga baahan yahay in ay kula xisaabtamaan maamulka degmada in ay miisaaniyadan lagu fuliyo qorshihii horumarineed ee loogu talagalay iyo in kale.