Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Degmada Kudunbuur Oo laga Qabtay Abaabulkii Waxbarashada

kudunbuur(cakaaranews)jimce 30ka September 2016. Si loo geeyo dugsiyada waxbarashada caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada ayaa koox iskudhaf ah oo kasocota xafiiska waxbarashada DDSI ay Shirar kaladuwan oo ku aadan abaabulka waxbarashada ka qabteen degmada kudunbuur ee Gobolka Qoraxey.

Hadaba, Cabdulaahi muxumed  cabdi oo ay waheliyaan  cabdi xasan ibraahim, agaasin katirsan xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane Mustafe isaaq iyoxildhibaan aniisa cabdi diiriye oo ah kooxda abaabulka waxbarashada Gobolka qoraxay ayaa kahadlay dareenkooda ku aadan abaabulka waxbarashada ee ay kawadaan Gobolka qoraxey waxayna sheegeen in hawlihii shaqo ee ku aadana abaabulka waxbarashada ee ahaa in lageeyo dugsiyada waxbarashada caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada ay wakhti-xaadirkan si heersare ah uga wadaan degmada  kudunbuur ee gobolka qoraxay. Waxayna tilmaameen si  nabadgalyo ah ay abaabul balaadhan uga soo sameeyeen degmooyinka uu gobolku ka koobanyahay badankood.

Ugudanbayna kooxda ayaa sheegtay in abaabulkan ay sameeyeen uu wax wayn katari doono dhanka waxbarashada caruurta oo wakhtigooda lageeyo sanad dugsiyeedkan 2009 T.I islamarkaana ay baraarujin usamaysay waalidiinta iyo waxgaradka kudhaqan gobolka miyi iyo magaalaba, waxayna qayb katahay ka midho dhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska waxbarashada DDSI iyo wasaarada waxbarashada JDFI ee ah in latirtiro jahliga. Lagana baxo saboolnimada si loooga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.