Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shaacinta Miisaaniyada Degmada Qabribayax.

Qabribayax,(cakaaranews), sabti , 1dii Actober 2016 Kulan lagu shaacinayay miisaaniyada maamulka degmada qabribayax ee sanad miisaaniyeedka 2009TI,  ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee  magaalada qabribayax.

Kalankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd in qaybaha kala duwan ee bulshada degmada qabribayax loo soo bandhigo nidaamka loo qorsheeyay miisaaniyada sanadka 2009TI ee degmada qabribayax ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka degmada qabribayax iyo qaybaha kala duwan ee bulshad degmada qabribayax.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha maamulka degmad qabribayax mudane cabdirisaaq Aadan Cabdi wuxuuna tilmaamay  in uu  kulankan  yahay mid bulshada lagu tusinayo cadadka miisaaniyada loo qabtay iyo adeegyada horumarineed ee lagu fulinayo  islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in bulshadu fahan buuxa kaqaataan si ay dhamaadka sanadkan ugu xisaabtamaan in miisaaniyada lagu fuliyay qorshihii loogu talagalay iyo in kale taasi oo ka mid ah  ayuu yidhi gudoomiyuhu, cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka halbeega u ah xukumada DDSI. Wuxuuna intaa kudaray in miisaaniyada loo qabtay degmad qabribayax tahay mid ku salaysan baahida bulshada.

Waxaa kale oo ka hadlay kulankan madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee degmad qabribayax marwo Ubax Maxamed Muuse  oo sheegtay in kulankan  yahay qayb kamid ah tubaha lagu shaacinayo miisaaniyada islamarkaana loogu soo  bandhigayo qaybaha kala duwan ee bulshad  si ay u la socdaan bulshadu ugana warhayaan miinaayiyada loogu talagalay sanadkan 2009TI.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshad degmada qabribayax ayaa sheegay In ay aad u soo dhawaynayaan kulankan loogu shaacinayo miisaaniyada  lagu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee horumarka degmada.