Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Degmada Birqod Iyo Shaacintii Miisaaniyada 2009 T.I

Birqod(cakaaranews) Talaado 4ta October 2016. Shir balaadhan oo uu soo agaasimay Xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada birqod oo ay kasooqayb galeen masuuliyiinta  maamulka degmada oo ugu horeeyo gudoomiyaha degmada birqod mudane fuaad yuusuf maxamed,madaxafiseedka maaliyada marwo saynab axmed iimaan, bulshada qaybaheeda kaladuwan islamarkaana ujeedadiisu tahay shaacinta  miisaaniyada 2009 T.I  ayaa si heer sare ah uga qabsoomay degmada birqod ee gobalka jarar

Hadaba gudoomiyaha degmada birqod mudane fuaad yuusuf Maxamed ayaa sheegay in shaacinta miisaaniyada 2009 T.I ay door mihiim ah ka tahay cadcadaanta iyo isla xisaabtanka udhaxaysa bulshada iyo maamulka degmada . Wuxuuna masuulku intaa ku daray in bulshada looga baahanyahay inay ogaadaan miisaniyada loo qabtay intay tahay iyo waxqabadka lagu qabanayo inay siday ahayd loogu qabtay.

Sidoo kale waxaa iyana dhankeeda ka hadashay madaxa Xafiiska  maaliyada degmada birqod marwo saynab axmed iimaan oo sheegtay in miisaaniyada guud ee degmada birqod 2009 T.I  ay tahay 44,444.932 oo kala ah Mushaar 16,617,088.Hawlfulin 5,559,031.Cabital 22,216,119 oo wadartoodu noqonayso =44,444,932 birr.Waxayna masuulku intaa ku dartay in lacagtan loo isticmaali doono hawlihii loogu talagalay in lagu qabto kuwaas oo ay kamid yihiin baahida aasaasiga ah ee bulshada .