Shaacinta Miisaaniyada Degmada Dhoobawayn

Dhoobawayn(cakaaranews) isniin 10ka, October 2016. Si isla xisaabtan iyo cadcadaantu u noqoto mid heersare ah ayaa waxaa caado u ah DDSI in sanad walba bilawgiisa heer deegaan ilaa heer dagmo miisaaniyadaha loo qoondeeyay latusiyo bulshada islamrkaana loo shaaciyo iyadoo degmada dhoobawayn ee gobolka qoraxay si balaadhan ay ufulisay shaacintii miisaaniyada kadib markuu xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada dhoobawayn uu si buuxda u soo bandhigay miisaaniyada loo qoondeeyay degmada iyo  faahfaahinteeda.

Hadaba, Madaxa Xafiiska Maaliyada marwo Jawhara Yuusuf Aamiin ayaa soojeedisay miisaaniyada looqabtay degmad sanadkan 2009 T.I oo sheegtay in miisaaniyada Guud ee degmada looqabtay sanadkan 2009 T.I ay tahay lacag dhan 41,463,922 (Afartan iyo kow milyan afar boqol lixdan iyo sadexkun sagaal boqol labaatan iyo labo birr) taasoo kala ah ama isugu jirta Mushaar, Hawlfulin iyo Mashaariic

Marwada oo hadalkeedii siiwadata ayaa xustay in misaaniyadan lagu fulinayo qorshayaasha lasoodhigay oo ahaa kuwo u yiilay degmada kuwaasoo kusalaysan baahida bulshada degmada dhoobawayn. Waxayna tilmaantay in qokasta oo ree dhoobwayn ah uu kula xisaabtamo maamulkiisa maadaama oo u jeedad uwayn ee loosamaynayo shaacinta aytahay in bulshaduay ogaato kadibna ay lasocdaan riyaal kasta.

Sikastaba ha ahaatee shaacinta miisaaniyada degmooyinka ayaa si wanaagsan uga wada socda dhamaan degmooyinka deegaanka soomaalida itoobiya.