Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Loo Qabtay Qaar kamid ah Macalimiinta TTI

Goday(cakaaranews)isniin 10ka October 2016. Tababar uu soo agaasimay geedi socodka horumarinta macalimiinta iyo hogaaminta waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana loo qabtay qaarkamid ah macalimiinta TTI ee dhawaan ka qalinjabisay kuliyadaha deegaanka ayaa si habsami leh loogu soo gabagabeeyay magaalada goday ee xarunta gobolka shabeele.

Tababarkan oo socday mudo sadex cisho ah islamarkaana loohayay macalimiinta Dugsiga Hoose ee dhawaan qalinjabiyay ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixayay Hogaan-kooxeedka G/Socodka Horumarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarashada mudane Ismaaciil Cali Muuse oo sheegay in maalimiintani ay yihiin macalimiintii loo tababaray dugsiyada hoose ee kalhore qalinjabiyay ee lagu dhaadhiciyay degmooyinka kuwaasoo lasiinayay casharo kusaabsan maaraynta kalaaska (class room management) qorshaha macalinka, cashar diyaarinta, qiimaynta 7aad laha ah iyo ta bilaha aha ee ardayga lasiiyo (continues assessment).

Mudane ismaaciil oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in macalimiintani ay yihiin macalimiin kakala yimid degmooyinka gobolka shabeele,  gobolka qoraxey iyo 2 maamul magaalo ee goday iyo qabridahar.

Si kastaba ha ahaatee, macalimiinta cusub ee TTI ayaa sanad walaba bilawgiisa lasiiyaa tababaro noocan ah