Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubucii 1aad Ee Degmooyinka Gobolka Siti Oo ka Furmay Magaalada shiniile.

Shiniile,(cakaaranews) talaado, 11ka October, 2016. Waxa ka furmay hoolka shirarka ee magaalada shiniile ee xarunta gobolka Siti  shirkii qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanad miisaayiyeedka 2009TI. kaasi oo loo qaybtay dhamaanba degmooyinkka hoos yimaada gobolka siti.

Shirkan qiimaynta waxqabadka rubuca 1aad ee maamulada degmooyinka gobolka siti oo diirada lagu saaraya fulinta qorshayaashii u yaalay ee dhinacyada horumarka nabadgalyada  maamulka suuban  arimaha xisibiga iyo xidhiidhka dadwaynaha ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka siti mudane cabdiwali maxamed faarax iyo dhamaanba masuuliyiinta degmooyinka gobolka siti.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay shirkaa qiimaynta  gudoomiyaha gobolka siti mudane cabdiwali maxamed faarax  wuxuuna sheegay  in shirkani yahay shirkii qiimaynta waxqabadkii rucuba 1aad sanad miisaaniyeedka 2009TI ee Maamulada iyo xafiisyada horumarka degmooyinka ee hoos yimaada gobolka siti . Wuxuuna tilmaamay gudoomiyuhu  in  dhamaan masuuliyiinta degmooyinka  looga baahan yahay in ay soo bandhigaan warbixinta wax qabadkooda ku aadan waxa laga fuliyay Qorshayaashii dajisnaa ee dhinacyada  Horumarineed, nabadgalyo, maamlka suuban arimaha xisbiga, iyo xidhiidhka dadwaynaha, gaar ahaan adeegyada aas aasiga ah ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha, beeraha iyo  dib u dajinta  si loo gorfeeyo Heerka waxqabadka degmooyinka iyo meelaha ay gol-dalooladu ka jirto si loo gufeeyo rucuba xiga.

Furitaankii shirkaasi oo ay masuuliyiinta kale oo gobolka siti  ka warbixiyeen ahmiyada uu leeyahay shirkan qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanadkan 2009TI ayaa waxaa la gudagalay dhagaysiga  warbixinada waxqabadka  maamulada degmooyinka taasi oo diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u yaalay degmooyinka iyada oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo soo bandhigayay warbixinada. shirkan ayaa sii socondoona maalmaha soo soc