Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Yaan Lagaa Hor Iibsanin Ee Horay Ugaadh

jigjiga (Cakaaranews) Talaado 13ka December 2016. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan shacabwaynaha DDSI ee kunool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in shirkada horumarinta guriyaynta ee DDSI ay idiin dhistay guryo iyo gibiyo iib ah oo loogu talagalay in looga faa’iideeyo qaranjoogta iyo qurbajoogta DDSI si looga jawaabo baahida hoyga.

Hadaba shirkada horumarinta guryaynta ee DDSI oo guryahan ku iibinaysa qiimo idin raaligalinaya ayaa guryahan iibka ah udhistay labo nooc oo kala ah:

1.     Gibiyo loogu talagalay in laga iibiyo dadka wadanka gudihiisa dagan gaar ahaan shacabka magaalada jigjiga iyo kuwa deegaanka oo kuyaala xaafada 16, aad ee MM jigjiga gaar ahaan jidka laamiga ah ee wajaale ama dayrka danbe ee jaamacada jigjiga. Dhismayaasha Guryahan oo kakooban 30 gibi islamarkaana boqolkiiba boqol ladhamaystiray ayay gibigiiba kakoobantahay fadhi, Jiif musqul gudaha ku leh(master bed room) Qol ciyaal,  Musqul dibada ah, Jikadii, Laydhkii iyo biyihii. Iyadoo 5ta gibi ee dhanka bari, 5ta gibi ee dhanka galbeed, 5ta gibi ee dhanka waqooyi, iyo 5ta gibi ee dhanka koonfureed lagu iibinayo qiimaha darajada 1, aad oo ah 1,300,000(hal milyan iyo sedex boqol oo kun oo birr) meesha qiimaha gibiyada darajada 2,aad ay yihiin 1,250,000 (hal milyan labo boqol iyo kontan kun oo birr) Waxaana xusid mudan inay gibiyadani iskumid kayihiin dhanka dhismaha, designka iyo tiradaba balse ay ku kaladuwan yihiin marka laga eego dhanka istaraatiijiyada wadada iyo baaxada dhulka ay kufadhiyaan.

                              i.        Shuruudaha shaqsiga  iib doonka ah looga baahanyahay ayaa noqonaya

ü  Inuu shaqsiga iib-doonka ahi iskadiwaangaliyo shirkada horumarinta guryaynta ee DDSI.

ü  In lacagta guryaha uu kushubo mid kamid ah Accountiyadu ay shirkadu siiso.

                               ii.      Shuruudaha shirkada

ü  waxay shirkadu furayaasha kuwareejin islamarkaana ay warqad cadaynaysa lahaanshaha shaqsigaasi uleeyahay guriga uqori shaqsiga iibsadaha ah

ü  Waxaa kale oo ay shirkadu kacaawin shaqsigaas inay usoo dhamayso xujada guriga iyo adeegyada laxidhiidha dhanka shircyaynta.

2. Iyo Apartmentiyo loogu talagalay in laga iibiyo qurbajoogta deegaanka oo kali ah islamarkaana lagu iibinayo lacagta dollorka ah. Guryahan oo kakooban fadhigii, master bed room-musqusha gudaha ku leh, qol ciyaal, musqul dibada ah, Jikadii, laydhkii iyo biyihii oo qiimahoodu yahay 60,000$ (lixdan kun oo dollor) kana kooban 70 guri kuwaas oo 48 kamid ah 96% ladhamaystiray meesha 22ka kalana ay marayaan 70% ayaa waxay kuyaalaan xaafada 6, aad ee MM jigjiga khaasatan badhtamaha magaalada jigjiga ama inta udhaxaysa xafiiskii hore ee madaxwaynaha iyo dugsiga sare ee magaalada.

                                 iii.      Shuruudaha shaqsiga qurbajoogta ah looga baahan yahay

1.       Waa inuu iskadiwaangaliyo shirkada guriyeynta DDSI.

2.       Waa inuu yahay qurbajoog udhashay DDSI

3.       Waa inuu taageero kahaysto jaaliyadiisa

4.       Waa inuu lacagta dollor kubixiyo hal ama labo mar hadba siduu karo

5.   Waa inuu lacagta kusoo shubo Accountiyada ay shirkadu kuleedahay bankiyada iyo xawaaladaha dalka  ee aan dib idiinka soo sheegi doono

FG: aaminaada udhaxaysa enterpriska  iyo xubinka qurbajoogta ah waxay noqonaysaa in shirkadan oo ah mid dawli ah ay iibinayso dhamaan guryahan islamarkaana ay furaha kuwareejinayso una dhamaynayso iibsadaha xujada iyo sharciyaynta guriga oo dhan kadib markay shirkadu xaqiijiso inuu iibsaduhu lacagta kusoo shubay Accountkii lasiiyay.

  Hadaba maadaama oo uu wakhtigu kuxidhanyahay hadba sida iibsiga guryaha loogu soo kala horeeyo ayaa waxay shirkadu idin leedahay ‘yaan lagaa hor iibsanin ee horay ugaadh’.