Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Kulankii Golaha Kabaneega DDSI Oo Furmay

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 15ka December 2016. Kulankii golaha kabaneega DDSI oo ay hogaaminaysay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiicaga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  ayaa ka furmay isla xafiiska madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI.

Hadaba kulankan golaha kabaneega DDSI oo ay ugu horayn furtay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa guriga soo dhigtay inuu kulankani yahay sidii loosii dardar galin lahaa fulinta qorshayaasha xukuumada ee mashaariicaha waawayn ee qorshaysan in la fuliyo 2009TI, Waxayna madaxwaynu kuxigeenku intaa ku dartay in mashaariicaha qorshaysan in la fuliyo sanadan la dardargaliyo islamarkaana lagu fuliyo wakhtigii loogu talagalay iyo waliba sidii loogu talagalay.

Waxaana dood dheer iyo falanqayn kadib cod buuxa ku ansixiyeen golaha kabaneegu in qorshaha xuukumada uyaala 2009TI ee ku aadan fulinta mashaariicaha waawayn lasii dardargaliyo islamarkaana loo fuliyo sida ugu dhakhso badan.

Ugu danbayna kulankan golaha kabaneega DDSI ayaa kusoo gabagaboobey jawi fiican iyadoo la isla qaatay in la fuliyo qorshayaashaa aan kor kusoo xusnay oo lagusii dardargalinayo qorshayaasha horumarineed ee mashaariicaha waawayn ee xukuumada uyaala 2009TI.