Socdaalkii Allaw Jilaalka Gu Noogayeel Oo Ku Sugan Degmada Daroor

Daroor(Cakaaranews) Isniin 19ka December 2016. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee ku guda jiray socdaalkii allaw jilaalka gu noogayeel ayaa kadib kulan ay la qaateen waxgaradka iyo odayaasha tuulada Balijano ugu ambabaxay dhanka buuhoodle iyagoo siimaray tuulooyin ay kamid ahaayeen Coodanle iyo Xaadhane.

Waxayna madaxwayne CMC iyo waftigiisu kulan balaadhan la yeesheen shacabka ku dhaqan buuhoodle kulankaas oo lagaga hadlay xaalada bulshada buuhoodle, Kadibna waxay waftigu soo qaadeen jidka dheer ee isku xidha degmooyinka gaashaamo iyo daroor, Isalamarkaana waftiga ayaa inta ay dhexda kusii jireen uqaybinayay bulshada raashin iyo biyo sidoo kalana darsayay xaalada nololeed ee bulshada iyagoo xogwaraysi layeelanayay bulshada.

Ugu danbayna waftiga uu hogaaminayay madaxwayne CMC oo ku guda jira socdaalka allaw jilaalka gu noogayeel ayaa wakhti xaadirkan ku sugan degmada daroor ee gobolka jarar.