Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay

Jigjiga (Cakaaranews) Axad 29ka January 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya xafiisyada bahwadaagta la ah iyo Hay'ada ha caalamiga ah sida hay'ada WFP ayaa deeq raashin ah oo dhan 10 gaadhi gaadhsiiyay gobolada ay abaartu saamaysay Jarar, Doolo, Iyo Qoraxey.

Hadaba Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in deeqdan oo ay islakaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay'ada WFP ay gaadhsiinayaan dugsiyada gobolada ay abaartu saamaysay islamarkaana loogu talagalay si ayna dugsiyadu u xidhmin una yarayso xadiga looxtuurka dugsiyada, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in xafiisku uu kaalintiisa dadaal oogu jiro siduu wax ooga qaban lahaa gobolada ay saamaysay abaarta ay keentay isbadalka cimiladu.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku xusay in raashinkan ay wadaan agaasino kamid ah xafiiska waxbarashada DDSI si loo geeyo goobihii loogu talagalay.