Tababar Ku Saabsan Diyaarinta Qorshaha Ol-olaha Talaalka Ka Hortaga Cudurka Jadeecada Oo Ka Furmay Wardheer.

Wardheer,(cakaaranews),talaado, 31ka, January, 2017. Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka cusbitaalka magaalada wardheer ee xarunta gobolka Doolo tababarka tababar tayaasha  ee nidaamka Diyaarinta qorshaha ol'olaha talaalka ka hortaga cudurka jadeecada" oo laga talaalidoono caruurta da'doodu u dhaxayso 9 bilood ilaa 5 sano jirka.

Tababarkan oo socon doona muddo  2ba  maalmood ah  ayaa waxaa loo qabtay  24 xubnood oo iskugu jira madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka degmooyinka gobolka doolo, khabiirada talaalka iyo xubno ka socday hay’adaha OWDA iyo WHO ee ka hawlgala Gobolka Doolo.

Waxaana Furitaankii tababarka  ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay in ujeedada tababarkani  tahay sidii  xubnahan fahan buuxa looga siin-lahaa  diyaarinta qorshe ol-olaha talaalka ka hortaga cudurka jadeecada kaasi oo ka  soo bilaabma Tuulo hoosaad, tuulo, Degmo  ilaa  Gobol  (from Bottom to top or micro plan). Masuulka ayaa intaa ku daray  in ol-olahani  uu qayb ka yahay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto  sidii looga samata-bixinlahaa  bulshada ay abaartu saamaysay lagana sii hortagilahaa  khatar kasta oo ku iman karta bulshadeena sida cudur dilaaca (disease outbreak).

Dhankiisa waxaa  hadala kooban oo dardaaran ah u soo jeediyay ka qayb galayaashii tababarka tababarayaasha  maareeyaha guud ee Cusbitaalka Wardheer mudane Cumar Cismaan Biixi. Isaga oo ku booriyay xubnahan in ay fahan buuxa ka qaataan  cashirada ay ku baranayaan tababarkan  si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan maanta furmay.