Dire Dawa Oo Si Balaadhan Loogu Xusay Sanad Guurada 19aad Ee X.D.SH.S.I.

Dire-dawa(cakaaranews)Arbaca, 8da, March, 2017. Waxaa si meeqaam sare ah loogu  xusay  caasimada ismaamulka  magaalada diredhawa gaar ahaan stadium wayn  ee deridawa  munaasabada xuska 19aad  ee ka soo wareegtay xiligii la aas aasay  X.D.SH.S.I

Munaasabadan oo ahayd mid   si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka mid ah xukuumada DDSI oo uu hogaaminayay  madaxa arimaha  X.D.SH.S.I ahna wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,  maayirka ismaamulka magaalada diredhawa mudane Ibaahin Cismaan Faarax, gudoomiyaha X.D.SH.S.I ee  laanta diredhawa mudane Suubane Cabdi Axmed, Xubnaha gudiga fulinta ee ismaamulka magaalada deridhawa, masuuliyiin ka socday asaxaabta bah-wadaagta la ah XDSHSI, hogaaminta heerarkeeda kala duwan iyo boqolaal kun oo qof  oo isugu jiray xubaha XDSHSI taageerayaasha XDSHSI iyo qaybaha kale ee bulshada ku dhaqan ismaamulka deridhawa.

Munaasabadan xuska XDSHSI ee 19 jirsatay ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay madaxa arimaha XDSHSI ahna wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil isaga oo ugu horayntii  u mahad naqay una hambalyeeyay xubnaha xisbiga iyo taageerayaasha XDSHSI munaasabadan qaaliga ah ee lagu maamuusayo sanadguurada 19aad ee XDSHSI. Wasirka ayaa  sheegay in aad ugu farax san yahay in uu kala soo qaybgalo ismaamulka diredhawa xubanaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga munaasabadan sida wayn loo soo agaasimay ee halku dhiga looga dhigay qiimaynta qotada dheer ee xisbigeenu waa mid ku salaysan horumarkeena iyo dib u curashadeena.wasiirka ayaa tilmaamay   in xuskani ku soo beegmay xili XDSHSI, xukuumada DDSI iyo ismaamulka diredhawa ku guulaysteen islamarkaana natiijooyin wax ku ool ah ka soo hooyeen qorshayaashii dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana uu xisbigu si habsani leh u dajiyay qorshayaal iyo siyaaado  la jaan qaadaysa isbadalka xawaaraha ku socda ee dalkeena itoobiya. Wuxuuna wasiirku ku booriyay  xubnaha xisbiga iyo  taageerayaasha  ismaamulka diredhawa  in ay sii xoojiyaan hirgalin hadafyada horumarineed ee XDSHSI.

Dhankiisa maayirka ismaamulka magaalada diredhawa mudane Ibaahin Cismaan Faarax oo munaasabadan ka hadlay ayaa tilmaamay sida uu  X.D.SH.S.I uu ugu heelan yahay   hirgalinta siyaasadaha hurumarineed ee wax ka badalaya hab-nololeedka  bulshada deegaanka, maayirka ayaa intaasi ku daray in munaasbadani ku soo beegan tahay xili ismaamulka deridhawa xubaha xisbiga iyo taageerayaashuba ay ku naaloonayaan neecowda horumarineed iyo dega-naanshaha ka hirgalay deegaanka somalida itoobiya iyo guud ahaan  dalkaba.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasbaadan gudoomiyaha X.D.SH.S.I ee laant deridhawa mudane Suubane Cabdi Axmed Isaga oo si qoto dheer uga waramay dadaalada xisbigu ka wado ismaamulka magaalada diredhawa isaga oo sheegay in talaabooyin horumarineed loo qaatay dhinaca maamul wanaaga, u adeegitaanka shacabka iyo adkaynta midnimada isaga oo tilmaamay in XDSHSI uu gaar ahaan laanta  diredhawa sii xoojinayso la shaqaynta xisbiyada ay baw-wadaagta yihiin.