Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada Maalinta Haweenka Aduunka Oo JigJiga Laga Xusay.

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 8da March 2017. Waxaa maanta guud ahaanba caalamka laga xusay munaasabada 106 aad  maalinta haweenka aduunka oo ku beegay 8da March , 2017taasi oo dalkeena itoobiyana laga xusay maanta markii 41aad.

Hadaba iyada oo munaasabadan maalinta haweenka aduunka dalkeena itoobiya si heer qaran ah loogu xusay caasimada dalka ee Adisababa ayaa waxaa ka heer deegaan ahaana lagu xusay caasimada DDSI ee jijiga.

Xaflada loogu dabaal dagayo maalinta haweenka aduunka oo ka dhacday madasha shirarka ee xafiiska arimaha haweenka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI mudan Cabdifataax  Axmed , wasiirka  xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV. AIDSka marwo kaamila Axmadnuur, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga oo uu ka mid yahay madaxa xafiiska maayirka mm jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad.iyo haween iyo dhaliyaro ka socday 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga.

Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay” koboca dhaqanka kaydsiga ee haweenka waa aas aaska dib u curashadeena” ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI mudane Cabdifataax  Axmed oo ka warbixiyay ahmiyada ay maalintani leedahay iyo soonyaalka taariikheed ee maalintan isaga oo sheegay in ay tahay maalin lagu xusyo halgankii ee ay haweenka aduunku u soo galeen xaqiijinta xuquuqahooda iyo guulaha ay haweenku ka gaadheen dhinacyada dhaqaalaha siyaasada iyo arimaha bulshada

Dhankooda waxaa kale oo ka warbixiyay ahmiyada ay maalintani leedaaha madaxa xafiiska maayirka mm jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad iyo madaxa xafiiska arimaha haweenka ee mm jijiga marwo faadumo kuwaasi oo ka warbixiyay qiimaha ay maalintan leedahay islamarkaana si qoto dheer uga hadlay ahmiyada maalintan leedahay.

Intii ay munaasabadani socoday waxaa lagu oo bandhigay dood cilmiyeed ku saabsan marxaladii kala duwanaa ee ay soo martay taariikhda haweenka dalkeena itoobiya gaar ahaan kuwa DDSI iyo heerka ay maanta ka gaadheen xaqiijinta xuquuqaha arimaha haweenka kaalinta balaadhan ee xukuumada DDSI siisay ka qaybgalka haweenka ee dhinacyada sisaasada dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.