Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Masuuliyiin Ka Socday Hay’ada Qaramada Midoobay Oo Soo Gaadhay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 16ka March, 2017. Waxaa soo gaadhay caasimada DDSI ee jigjiga masuuliyiin ka socday hay’ada qaramada midoobay oo uu hogaaminayo u qaabilsanaha hay’ada qaramada midoobay qaybta xoolaha iyo beeraha ee dalkeena itoobiya mudane Amadou allahoury.

Waxaana, ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah  ee Garaad  Wiil-waal Airport, masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska Xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga marwo Faaduma Cabdilaahi Takhal, wasiirka xafiiska kahortaga iyo udiyaar-garowga Masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed, lataliyaha madaxwaynaha   dhinaca bini-aadanimada ahna wasiir kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo udiyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali iyo masuuliyiin kale.

Soo dhawayn ka dib waxay  kulan ku yeesheen masuuliyiintani xafiiska wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga DDSI, waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo masuuliyiintan ku soo dhaweeyay deegaanka ugana warbixiyay xaalada abaarta  ee  saamaysay qaarka  mid ah degmooyinka deegaanka. Madaxwayne ku xigeenka DDSI  ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dadaalka muga wayn ee  ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii  looga samata bixin lahaa bulshada abaarta saamaysay. Sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ayaa tilmaamay kaalinta ay ka gaysteen hay’adaha caalamiga ah xaaladaha abaarta iyo kaalinta looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan.

 

Dhankiisa u qaabilsanaha hay’ada qaramada midoobay qaybta xoolaha iyo beeraha dalka itoobiya mudane   Amadou Allahoury oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaal-kooda isaga oo sheegay in ay tahay sidii  ay hay'adan qaramada midoobay gaar ahaan qaybta xoolaha iyo beeruhu u sii xoojin lahayd deeqaha gar-gaarka ah ee la gaadhsiinayo bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah ee ay saameeyeen abaarta ay keentay cimilada isbadashay. Masuulka ayaa intaasi ku daray in mudada ay joogaan deegaanka u kuur-galidoonaan xaaladaha abaarta iyo sidii ay dhankooda  qayb mug leh uga qaadan  lahaayeen wax ka qabadka xaaladaha abaarta.