Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Loo Qabtay Madax Xafiiseedyada Xafiisyada Ganacsiga Gobolada iyo Degmooyinka DDSI Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 17ka, March, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska Ganacsiga  iyo Gaadiidka  DDSI  oo loo qabtay  madax xafiiseedyada xafisyada ganacsiga gobolada iyo degmooyinka DDSI ayaa ka furmay caasimada DDSI ee jigjiga.

Tababarkan  ayaa waxay  ujeedadiisu tahay in  fahan buuxa laga siiyo masuuliyiinta xafiisyada ganacsiga gobolada iyo degmooyinka  fidinta jihooyinka horumarineed iyo tayaynta adeegyada  xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI, maadaamo oo dib u habayn iyo balaadhan lagu sameeyay geedi socodka shaqo ee xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka  DDSI.

Tababarkaa  oo ay  furitaankii ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ayaa waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Ibaraahin Maxamed oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan. Isaga oo sheegay in uu yahay tababar kor loogu qaadayo geedi socodka shaqo ee xafiisyada ganacsiga gobolada iyo degmooyinka taasi oo suurta galinaysa sii xoojinta tayada adeegyada la gaadhsiinayo bulshada deegaanka. Wuxuuna ku booriyay wasiir ku xigeenku masuuliyiintan tababarka loo furay in ay fahan balaadhan ka qaataan si ay u gaadhsiiyaan islamarkaana ka  hirgaliyaan gobolada iyo degmooyinka ay ka socdaan.

Tababarkan oo qaybka ah kor u qaadida  iyo xoojinta tayada adeegyada iyo qorshayaasha horumarineed ee xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ayaa sii socondoona maal-maha soo socda.